Maxaa Fashiliyey Wadahadalkii Dhexmaray Mareykanka Iyo Iran?

by Heemaal
2 minutes read
A+A-
Reset

Warbixinno isa soo taraya oo ka imanaya Mareykanka ayaa muujinaya in wadahadalladii u dhexeeyay Mareykanka iyo Iiraan ay fashilmeen.

Sababta ugu weyn waxay tahay in Iiraan ay doonayso heshiis caddaalad ku dhisan, halka Mareykanku uu ku adkeysanayo shuruudo u muuqda kuwo ka tarjumaya danaha Israa’iil, ee aan ahayn heshiis labada dhinac u siman.

Iiraan ma bixin wax tanaasul ah oo waaweyn, waxayna sheegtay in dalabyada Mareykanku ay yihiin arrimo gudaha u gaar ah Iiraan. Arrintan, marka la eego sharciga caalamiga ah iyo madax-bannaanida dalalka, waa dood leh sal adag.

Haddaba, su’aasha taagan ayaa ah: maxaa looga hadli waayay hubka nukliyeerka iyo diyaaradaha dagaal ee Israa’iil, kuwaas oo khatar ku ah guud ahaan gobolka, isla markaana loo adeegsaday weerarro ka dhan ah dalal Carbeed iyo Iiraan? Maxaa xitaa dood looga dhigi waayay arrintaas?

Sida uu toddobaadkii yiri Ra’iisul Wasaaraha Canada, Mark Carney: “Haddii aadan miiska cuntada joogin, adiga ayaa ah cuntada miiska lagu cuni doono.” Oraahdan waxay si cad u muujinaysaa sida awoodda iyo go’aamada caalamiga ahi u shaqeeyaan.

Mareykanka wuxuu u muuqdaa mid doonaya in Bariga Dhexe laga dhigo gobol aan lahayn awood weerar, si dalalku ay u noqdaan daawadayaal kaliya marka la duqeeyo, iyagoo aan awood u lahayn inay iska difaacaan, tusaale ugu dhow waa weerarkii Israa’iil ka geysatay magaalada Dooxa ee caasimadda Qatar, markaa oo jawaabta ay noqotay kana keliya cambaarayn hadal ah.

Jawaabta Iiraan waxay ku saleysan tahay mabda’ ah “haddii la i weeraro, waan is difaacayaa”. Tani waa xaalad cusub oo gobolka ka soo muuqatay, tan iyo dagaalkii Masar ay hoggaaminaysay, kaas oo ku dhammaaday heshiiskii Camp David. Heshiiskaas ka dib, Masar waa laga saaray isku-duubnidii militari ee Carabta, taas oo noqotay guul istaraatiiji ah oo Israa’iil gaartay.

Tani si cad ayaa looga arkay duullaankii Lubnaan 1982, markaas oo Lubnaan iyo ururradii Falastiiniyiinta lagu laayay indhaha Carabta hortooda, iyada oo aan jirin faragelin Carbeed oo mideysan. Tan iyo xilligaas, isku-duubnidii Carabta way burburtay, arrinta Falastiinna waxay ka baxday inay noqoto arrin si wadajir ah Carab iyo Muslim u wada qaadaan.

Inkasta oo taas ay dhacday, Israa’iil ma joojin gardarradeeda. Siyaasaddeedu waxay ku dhisan tahay ballaarin, degsiimooyin sharci-darro ah, iyo quursi ay u hayso Carabta, taas oo weli hurinaysa colaadda gobolka.

Dhinaca kale, Iiraan waxay muujisay ad-adayg iyo is-ixtiraam qaran, iyadoo keligeed u istaagtay cadaadis militari oo aad u weyn, kana imanaya quwadaha ugu awoodda badan dunida, isla markaana ay la socdaan taageero reer galbeed oo dhinac u janjeerta. Dad badan waxay tan u arkaan muuqaal haybad, degganaan iyo kalsooni qaran, dal aan si sahal ah uga tanaasulin mowqifkiisa, kana adkeysanaya cadaadis kasta.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.