Ku dhawaaqista Iran ee xirista marinka muhiimka ah eeHormuz kaddib, waxaa suuragal ah in kooxda Xuutiga Yemen ay bilowday hawlgal ka dhan ah gaadiidka caalamka ee ka gudba marinka Baab Al-mandab.
Waxaa lagalay saacado adduunka oo dhan uu ciriiri galay. Iran waxay qaadaysaa tallaabooyin adag. Waa jawaabta waxa gaaray, lama hubo halka uu xaalku danbayn doono.
Fasiraadda ugu dhow ee laga bixinayo
go’aanka degdeg ah ee Iran ku xirtay Hormuz, duqaymaha ay u qaybisay dalalka gobolka iyo isticmaalka awoodeeda gantaalaha aan kala sooca lahayn ayaa lagu sheegay in Iran ay markii hore aad ugu diyaarsanayd dagaalka. Jawaabaha culus ay bixisayna ay le’egyihiin khasaaraha gaaray. Lama xaqiijin masiirka madaxdii ciidanka ee dalka Iran.
Warbihinta nidaamka Guumaystuhu, waxay faafinayaan in la dilay dhammaan taliyayaashii Taliska Khaatamal Anbiyaa ee Iran. Waa taliska ciidanka Iran. Wasiirkii Gaashaandhigga, Latiliyihii Amniga Qaran ee Khumayni.