Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa Sareeye Guuto Cabdirisaaq Eritrea u magacaabay Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, iyadoo magacaabistan lagu sababeeyay dhamaystirka tababar muddo 7 sano ah oo ay ciidanka Cirka Soomaaliya ku qaateen dalka Eritrea.
Inside Somalia, ayaa ogaatay in ciidanka Cirka ee lagu tababarayey gudaha Eritrea dhowaan loo soo xiray tababarkoodii, waxaana hadda ciidamadaas ku sugan yihiin gudaha Eritrea ilaa iyo inta ay u diyaar garoobayaan in loo soo qaado Soomaaliya. Tababarkani wuxuu ahaa mid muddo dheer qaatay, isagoo qayb ka ahaa qorshaha dib-u dhiska iyo tayeynta xoogga Cirka Soomaaliyeed.
Sareeye Guuto Cabdirisaaq waxaa xilkan loo magacaabay si uu u hoggaamiyo ciidankaan cusub ee soo dhameystiray tababarka, isla markaana u sii wadi doono dadaallada lagu xoojinayo awooda Cirka ee ciidanka Qaranka.
Ciidankan waxaa la filayaa in dhowaan si rasmi ah loo soo wareejiyo una hawlgalo gudaha Soomaaliya, maadaama ay soo dhameystireen tababarkoodii muddo dheer qaatay.
Qorshahan tababarka iyo magacaabista taliyaha cusub ayaa qayb ka ah dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu dhisayo awood ciidan oo casri ah, gaar ahaan dhinacyada cirka, si loo sugo ammaanka dalka iyo in la gaaro xasilooni waarta.
Sawirradda hoose waa madaxweyne Xasan Sheekh oo laba mar oo kale duwan gudaha dalkaas ku booqday ciidanka cirka Soomaaliya.