Maxamad ku Taala Turkiga Oo Diiday Dacwad Uu Gudbiyay Duqa Magalada Istanbul Oo Xabsi ku Jira.

by Heemaal
2 minutes read
A+A-
Reset

Maxkamad ku taalla Turkiga ayaa Jimcihii diidday dacwad uu gudbiyay Duqa Magaalada Istanbul, Ekrem Imamoglu, oo xabsiga ku jira, taasoo uu ku diidanaa go’aankii lagu laalay shahaadadiisa jaamacadeed, sida ay sheegeen qareennadiisa. Arrintan ayaa dhabarjab kale ku ah qorshihiisa inuu u tartamo doorashada madaxtinimada ee soo socota.

Imamoglu, oo ah ninka ugu weyn ee Madaxweyne Tayyip Erdogan kula loollama siyaasadda, ayaa xabsi ku jiray tan iyo bishii Maarso ee sanadkii hore, isagoo sugaya maxkamadeyn la xiriirta eedeymo musuqmaasuq. Waxa kale oo bishii Luulyo lagu xukumay xabsi kale, kaddib markii lagu helay inuu aflagaadeeyay oo hanjabaad u jeediyay xeer-ilaaliyaha sare ee magaalada.

Imamoglu ma noqon karo musharrax madaxweyne haddii uusan haysan shahaado jaamacadeed. Qareennadiisa ayaa Reuters u sheegay inuu racfaan ka qaadan doono go’aanka maxkamadda ee Jimcaha.

Xarigiisa waxaa si weyn u dhaleeceeyay Xisbiga Jamhuuriga Dadka (CHP) ee mucaaradka, xisbiyo kale oo mucaarad ah, qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha reer Galbeedka, iyo ururrada xuquuqda aadanaha, kuwaas oo ku tilmaamay tallaabo ka hor imanaysa dimuqraadiyadda, laguna doonayo in looga takhaluso halis doorasho oo lidi Erdogan ku ah.

Imamoglu ayaa isaguna beeniyay dhammaan eedeymaha, isagoo sheegay inay yihiin kuwo siyaasadeysan. Dowladda Erdogan ayaa beenisay in cadaadis siyaasadeed lagu hayo maxkamadaha, waxayna sheegtay in garsoorku yahay mid madax-bannaan.

Jaamacadda Istanbul ayaa bishii Maarso ee sanadkii hore sheegtay inay burisay shahaadada Imamoglu, maalmo ka hor inta mucaaradku u xulan musharraxa madaxweyne ee doorashada xigta, oo la qorsheeyay inay dhacdo 2028.

Imamoglu ayaa sheegay in go’aanka jaamacaddu uu yahay mid sharci-darro ah isla markaana aanay awood u lahayn inay qaadato.

Qoraal uu ku daabacay barta X, Madaxweyne Ku-xigeenka CHP Burhanettin Bulut ayaa sheegay in diidmada maxkamadda ee kiiska shahaadada ay u dhiganto go’aan siyaasadeed, isla markaana ay muujinayso in garsoorka loo adeegsanayo la dagaallanka dadka la tartamaya Erdogan.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.