HNN: Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bishii Febraayo si rasmi ah u muujiyay taageeradiisa Viktor Orbán doorashada Hungary ee 12-ka Abriil.
Orbán waa hoggaamiye aad u xooggan oo awood badan, wuxuuna caddeeyay inuu keeni karo natiijooyin cajiib ah, ayuu yiri Trump.
Ma aha wax caadi ah in madax dowladeed si toos ah uga hadlaan doorashooyinka dalal kale.
Trump sidoo kale wuxuu u dirayaa madaxweyne ku-xigeenka J.D. Vance Hungary 7-da iyo 8-da Abriil, xilli ololaha doorashada uu marayo heerkii ugu dambeeyay, si uu kor ugu qaado taageerada Orbán daqiiqadaha ugu dambeeya.
Marka laga hadlayo sababta Trump uu si xooggan u taageerayo Orbán, waa daray in uu jecel yahay hoggaamiyeyaasha xoogga badan. Sidoo kale Trump ma jecla Midowga Yurub, Orbán-na waa qof marar badan dhibaato ku haya Brussels.
Dhinca kale Orbán wuxuu taageeray Trump xitaa ka hor doorashadii 2016, wuxuuna dhibaato kala kulmi jiray xisbiga Jamhuuriga sababtoo ah aragtidiisa u janjeerta Ruushka.
Dhinaca Putin, wargeyska The Washington Post ayaa helay warbixin ka timid Ruushka, taas oo muujinaysa in hay’adda sirdoonka Ruushka (FSB) ay ka fiirsanayso inay abaabusho isku day dil oo ka dhan ah Orbán.
Ujeeddadu waa in loo abuuro naxariis iyo taageero dadweyne oo u kordha Orbán gudaha Hungary.
Sidoo kale, Kremlin-ka ayaa la sheegay inuu shirkad IT ah oo fadhigeedu yahay Moscow, laguna magacaabo Agenturet for Sosialt Design (ASP), u xil saaray inay faafiyaan warar marin-habaabin ah si ay uga caawiyaan Orbán iyo xisbigiisa Fidesz inay guul gaaraan, sida uu qoray Financial Times.
Orbán waa saaxiibkooda ugu dhow ee ka tirsan madaxda Yurub, ee uu Ruushku leeyahay, laakiin Orbán iyo Putin ma aha saaxiib, sida Orbán iyo Trump oo kale.
Ra’iisul wasaaraha Hungary marar badan ayuu ka hor yimid dalalka kale ee EU marka la isku dayo in cunaqabateyn lagu soo rogo Ruushka ama taageero loo fidiyo Ukraine, sidaas darteed aad bay muhiim ugu tahay Putin inuusan lumin taageerihiisa ugu xooggan ee Yurub. Haddii xisbiga Fidesz uu waayo awoodda, saameynta Ruushka ee Yurub way yaraandoontaa, taageerada Yurub ee Ukraine-na way kordhi doontaa.
Xiriirka wanaagsan ee Orbán iyo Ruushka waxaa sabab uah ku tiirsanaanta Hungary ee shidaalka Ruushka, iyo Orbán uu doonayay tan iyo 2010 inuu yareeyo ku tiirsanaanta EU iyo Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF), isagoo raadinaya taageero dhaqaale oo ka timaadda Bariga sida Ruushka iyo Shiinaha.
Heemaal News Network.