Wasiirka arrimaha dibadda ee Abbas Araghchi ayaa si weyn u ammaanay dowladda iyo shacabka Pakistan, isaga oo muujiyay sida ay garab istaag ugu muujiyeen Iran xilli ay jirto xiisad siyaasadeed iyo mid amni oo gobolka ka taagan.
Wareysi uu siiyay warbaahinta Al Jazeera ayuu Araghchi ku sheegay in Tehran ay si qoto dheer uga mahadcelinayso taageerada cad ee ay Pakistan u muujisay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran iyo dadkeeda.
Wuxuu yiri: “Waxaan si daacad ah ugu mahadcelinayaa dowladda iyo shacabka Pakistan muujinta taageerrada xooggan ee ay la garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.” Hadalkan ayaa muujinaya xiriirka dhow ee labada dal ka dhexeeya iyo sida ay Islamabad u doonayso inay sii xoojiso iskaashiga ay la leedahay Tehran.
Dhanka kale, warbixin ay daabacday warbaahinta dhaqaalaha ee Bloomberg ayaa sheegtay in Pakistan ay noqotay dalka keliya ee si buuxda u sii isticmaalaya marinka ay Iran xirtay ee Hormuz.
Marinkan oo ah mid ka mid ah marinada badda ee ugu muhiimsan dunida, ayaa ah meel ay maraakiibta shidaalka iyo ganacsiga caalamiga ahi maraan si ay u gaaraan suuqyada kala duwan ee adduunka. Xiritaanka ama xaddidaadda marinkan ayaa si weyn u saameyn kara ganacsiga iyo sahayda tamarta ee caalamka.
Warbixintu waxay intaa ku dartay in inta badan maraakiibta kale ay ka baaqsadeen marinkan sababo la xiriira xaaladda amni iyo xiisadda ka taagan gobolka, balse Pakistan ay sii waddo adeegsigiisa si ay u ilaaliso socodka ganacsigeeda iyo sahayda muhiimka ah. Arrintan ayaa sidoo kale muujinaysa heerka kalsoonida iyo iskaashiga siyaasadeed ee u dhexeeya Pakistan iyo Iran, gaar ahaan xilliyada ay jiraan cadaadisyo iyo xiisado caalami ah.