Maxkamad ku taalla Shiinaha ayaa xukun xabsi daa’in ah ku ridday wasiirkii hore ee wasaarada caddaaladda, Tang Yijun, kaddib markii lagu helay dambiga qaadashada laaluush.
Maxkamadda gobolka Fujian ayaa sheegtay in Mr Tang uu si sharci-darro ah u qaatay hanti qiimaheedu ku dhow yahay 20 milyan oo doolar.
Waxaa laga xayuubiyay xuquuqdiisa siyaasadeed inta uu nool yahay, waxaana sidoo kale laga qaaday dhammaan hantidiisii gaarka ahayd.
Madaxweyne Xi Jinping ayaa sii wada olole ballaaran oo ka dhan ah musuqmaasuqa, kaas oo horseeday in mas’uuliyiin sar sare oo badan la baaro ama la ciqaabo