Garsoore heer federaal ah ayaa diiday in dammaanad lagu sii daayo Anthony Kazmierczak, kaasoo lagu eedeeyay inuu carqaladeeyay hool ku yaalla Minneapolis oo ay shir ku qabanaysay xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan xisbiga Dimoqaraadiga 27kii Jannaayo isagoo ku buufiyay biyo iyo khal.
Garsoore David Schultz oo ah garsoore heer maxkamad degmo oo fadhigiisu yahay gobolka Minnesota ayaa Talaadadii diiday codsi uu u gudbiyay Kazmierczak oo 55 jir ah, kaas oo ahaa in laga sii daayo xabsiga inta uu kiiskiisu socdo.
Waxaa lagu soo oogay dacwad ah in uu weeraray oo uu farageliyay xubin ka tirsan Congress-ka markii uu u yimid Ilhaan Cumar oo ah 43 iyada oo taagnayd halka laga khudbeeyo, wuxuuna isticmaalay saliingo caag ah, kaasoo uu uga buufiyey xabadka iyo caloosha, wax markii dambe la go’aamiyay inuu yahay isku dar ah khalka tufaaxa iyo biyo.
Ilhaan ayaa dhowr tallaabo u qaadday dhinaciisa iyadoo gacanta kor u taagtay ka hor inta aan la xakameyn ninkaasi, kaddibna waxay sii wadatay khudbaddeedii kaddib hakad kooban oo dhacay.
Waxaa dhici karta in lagu xukumo hal sano oo xarig ah haddii lagu helo dambiga.
Kazmierczak ayaa hadalka ka joojiyey Ilhaan Cumar ka dib markii ay soo qaadday magaca xoghayaha Waaxda Amniga Gudaha Kristi Noem oo ay ugu baaqday inay iscasisho, ayadoo ku eedeysay inay “kala qaybinayso reer Minnesota”.
Shaqaalaha amniga ee Ilhaan Cumar ayaa la tacaalayay Kazmierczak oo ay ku hayeen xabsiga ilaa ay ka yimaadeen booliiska maxalliga ah si ay u qabtaan.

Caddayn FBI-da ayaa muujinaysa in Kazmierczak uu taariikh u leeyahay inuu faallooyin hanjabaad ah u jeediyo Ilhaan Cumar waxaana sannado ka hor lagu eedeeyay inuu soo jeediyay “in qof uu dilo”.
Waxa kale oo marar badan la xiray ninkaas 40-kii sano ee la soo dhaafay, waxaana lagu helay 1989 kii dambi lagu soo oogay oo ahaa xatooyo baabuur.
Madaxweyne Donald Trump ayaa Ilhaan oo Kongress-ka ka tirsan u jeediyey eedaymo musuqmaasuq la xiriira,isagoo ku eedeeyay inay faa’iido ka samaynayso wax is daba marin, wuxuuna u soo jeediyay in lagala noqdo sharciga dhalashada.
Trump ayaa sidoo kale doonaya in Ilhaan xabsiga la dhigo islamarkaana loo musaafuriyo wax isdabamarin darteed.