Maxkamada Paris Oo Xukun ku Ridday Shirkadda Sibidhka Oo Lagu helay Inay Maalgeliyeen kooxda Dac!sh

by Heemaaln
1 minutes read

Maxkamad ku taal magaalada Paris ayaa xukun ku ridday shirkadda soo saarta sibirka ee Lafarge iyo agaasimaheedii hore Bruno Lafont, ka dib markii lagu helay dambi ah inay maalgeliyeen kooxda Dac!sh intii uu socday dagaalkii sokeeye ee Suuriya.

Baaritaanka maxkamadda ayaa lagu ogaaday in shirkaddu ay bixisay lacag gaaraysa 6.5 milyan oo doolar intii u dhaxeysay 2013 ilaa 2014, si ay u dammaanad qaadato ammaanka warshadeeda ku taal waqooyiga Suuriya.

Lacagtaas ayaa la xaqiijiyay in ku dhowaad hal milyan oo doolar oo ka mid ah ay si toos ah u gashay gacanta kooxaha argagixisada.

Garsoorka ayaa ku xukumay agaasimihii hore ee shirkadda, Bruno Lafont, lix sano oo xabsi ah, halka xubno kale oo ka tirsanaa maamulka sare ee shirkadda iyagana lagu riday xukuno kala duwan.

Go’aankan ayaa muujinaya mas’uuliyadda weyn ee shirkadaha caalamiga ah ka saaran inay ka fogaadaan wax kasta oo taageero u noqon kara kooxaha hubeysan ee ka dagaalama goobaha colaadaha.

Shirkadda Lafarge ayaa noqotay mid ka mid ah shirkadihii ugu horreeyay ee weyn oo loo maxkamadeeyo dambiyo la xiriira maalgelinta argagixisada.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.