Maxkamada Uganda Oo Xukun Xabsi 4 Sano ah ku Riday Wasiirad Lunsatay Jiingado Dadka Denyarta ah loogu Talagalay

by Heemaaln
1 minutes read

Agnes Nandutu oo hore u soo noqotay wasiiru dawladihii arrimaha Karamoja ama gargaarka ee dalka Uganda ayaa lagu xukumay 4 sano oo xabsi ah iyo in aanay muddo 10 sano ah soo geli karin siyaasadda dalkaas ka dib markii lagu helay in ay lunsatay Jiingadaha guryaha lagu dhisto oo loogu tala galay dadka deegaanka ay ka soo jeedo kuwaas oo ay u adeegsatay danaheeda gaarka ah.

Dhacdadan oo dhacday sannadkii 2022-kii ayaa lagu ogaaday in haweenaydani qayb ku lahayd musuq-maasuqii xilligaas dhacay kaas oo muddo baadhis lagu wadey.

Agnes Nandutu ayaa qiratay in ay leexsatay Jingadahaas oo tiradoodu dhammayd 2 kun oo jiingadood waxayna bixisay raalli gelin iyo cafis ay waydiisatay dadkii shacabka ahaa.

2 kun oo jiingadood marka laga qiyaas qaato suuqyada Somaliland waxa ay qiime ahaan noqonayaan lacag aan gaadhaynin 30 kun oo Dollar.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.