‘Maya mahadsanid’: Greenland waxay diiday dalabka Trump ee ah in markab isbitaal loo diro jasiiradda

Greenland ayaa Axaddii sheegtay in aanay u baahnayn gargaar caafimaad oo ka imanaya dalal kale, iyadoo diidday dalab uu soo jeediyay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ahaa in uu u diro markab isbitaal gobolka uu doonayo in Maraykanku la wareego.

Bartiisa baraha bulshada ee Truth Social, Trump ayaa Sabtidii ku sheegay in, isaga oo la shaqeynaya guddoomiyaha gobolka Louisiana, Jeff Landry, oo uu u magacaabay wakiil gaar ah oo u qaabilsan Greenland, Maraykanku uu u diri doono jasiiradda markab isbitaal.

“Anaga oo la shaqeynayna Guddoomiyaha cajiibka ah ee Louisiana, Jeff Landry, waxaan u diraynaa Greenland markab isbitaal oo weyn si uu u daryeelo dadka badan ee xanuunsan ee aan halkaas lagu daryeelin,” ayuu yiri madaxweynaha Maraykanka. “Wuu sii socdaa!!!”

“Taasi waxay naga tahay ‘maya, mahadsanid’,” ayuu ra’iisul wasaaraha Greenland ku qoray boggiisa Facebook.

Ra’iisul wasaaraha Jens-Frederik Nielsen ayaa intaas ku daray: “Fikradda Madaxweyne Trump ee ah in markab isbitaal oo Maraykan ahi loo soo diro Greenland si rasmi ah ayaan u diiwaangelinnay. Laakiin waxaan leenahay nidaam caafimaad dadweyne oo daryeelku uu bilaash ugu yahay muwaadiniinta.”

Bilihii u dambeeyay, Trump ayaa dib u cusboonaysiiyay xiisihiisa ku aaddan in Maraykanku la wareego Greenland, isagoo ku sababeeyay arrimo amni qaran oo la xiriira Ruushka iyo Shiinaha. Wuxuu ku hanjabay cunaqabateyn ka dhan ah dalalka Yurub ee ka soo horjeeda tallaabadaas.

Trump ayaa markii dambe ka noqday hanjabaadahaas kaddib kulankiisii uu la yeeshay Xoghayaha Guud ee NATO, Mark Rutte, intii lagu guda jiray Shirkii Dhaqaalaha Adduunka ee World Economic Forum ee ka dhacay Davos, Switzerland. Wuxuu sheegay inay isla meel dhigeen qaab-dhismeed heshiis suurtagal ah oo ku saabsan Greenland iyo guud ahaan gobolka Arctic, taasoo ay xigi doonaan wada-hadallo u dhexeeya Maraykanka, Denmark, iyo Greenland.

Wuxuu kaloo sheegay in wadahadallo dheeraad ah laga yeelan doono nidaamka difaaca gantaallada ee Maraykanka ee Golden Dome, iyadoo la xiriirinayo Greenland.

Related posts

USA oo u ogolaatay Israa’iil iib hub degdeg ah, iyo khaliijkii oo cidlo ku soo dhacay

Sacuudiga iyo Pakistan oo ka wada hadlay isku diyaarinta, dagaala iyo difaac wada jir ah

Xisbulah oo eryatay ciidamo Yuhuuda oo isku dayey hawlgal qarsoodi ah oo ay ka fulinayeen Lubnaan