Michael Carrick oo loo magacaabay tababaraha Manchester United ilaa dhammaadka xilli-ciyaareedka

Ciyaartii ugu horreysay ee uu Carrick hoggaaminayo waa kulanka Manchester derby-ga oo Sabtida ka dhacaya Old Trafford.

by Heemaal
3 minutes read
A+A-
Reset

Michael Carrick ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay inuu noqonayo tababaraha Manchester United ilaa dhammaadka xilli-ciyaareedka.

Carrick ayaa noqday xudunta wada-hadallada Isniintii, ka hor inta aan la arkin Talaadadii isaga oo imanaya xarunta tababarka ee kooxda. Wadahadalladu waxay socdeen illaa habeenimadii Isniinta ahayd, iyadoo dhammaan qodobbadii harsanaa la isla meel dhigay.

Bayaan uu soo saaray, Carrick wuxuu yiri:

“Waxaan ogahay waxa loo baahan yahay si halkan guul looga gaaro [Old Trafford].”

“Diiraddaydu hadda waa inaan ka caawiyo ciyaartoyda inay gaaraan heerarka aan ka filayno kooxdan weyn, waana ognahay in kooxdani ay si buuxda awood ugu leedahay taas.”

“Waxaan hore ula soo shaqeeyay qaar ka mid ah ciyaartoyda, sidoo kalena sanadihii u dambeeyay si dhow ayaan ula socday kooxda. Waxaan si buuxda u rumeysanahay hibadooda, dadaalkooda iyo awooddooda ay halkan guul kaga gaari karaan.”

“Xilli-ciyaareedkan weli wax badan ayaa loo dagaallamayaa, waxaana diyaar u nahay inaan mideyno dhammaan kooxda oo aan taageerayaasha siino bandhigyo u qalma taageeradooda joogtada ah.”

Carrick wuxuu la shaqaynayaa Steve Holland, oo hore u ahaa kaaliyaha tababaraha xulka England, halka Jonathan Woodgate, Jonny Evans iyo Travis Binnion ay noqon doonaan shaqaalaha farsamada ee la shaqaynaya.

Darren Fletcher, oo hore u ahaa khadka dhexe ee United islamarkaana maamulayay labadii kulan ee ugu dambeeyay, ayaa loo soo bandhigay inuu ku biiro shaqaalaha Carrick, balse wuxuu doortay inuu ku laabto xilkiisii tababaraha kooxda da’yarta ka yar 18 sanno.

Magacaabistan rasmiga ah waxay timid toddobaad kaddib markii shaqada laga eryay Ruben Amorim.

Magacaabistu waxay u oggolaanaysaa Carrick inuu bilaabo hoggaaminta tababarka Arbacada isla markaana uu diyaargarow u sameeyo kulanka Manchester derby-ga ee Sabtida ka dhacaya Old Trafford.

Maalmihii la soo dhaafay, Carrick iyo Ole Gunnar Solskjaer oo ahaa tababaraha United intii u dhaxaysay Diseembar 2018 ilaa Nofeembar 2021, labaduba waxay la kulmeen Jason Wilcox, oo ah agaasimaha kubadda cagta ee kooxda, kana hoggaaminayay geeddi-socodka magacaabista tababare cusub.

Carrick iyo Solskjaer labaduba waxay ahaayeen musharraxiin, waxayna la kulmeen madaxda kooxda iyaga oo soo bandhigay qorshahooda.

Carrick, oo 44 jir ah, ayaa hore u noqday tababare ku-meelgaar ah oo United ah saddex kulan kaddib markii Solskjaer (52 jir) shaqada laga eryay. Waxa uu hore uga tirsanaa shaqaalaha tababarka kooxda koowaad xilligii Solskjaer iyo Jose Mourinho.

Xiddigii hore ee xulka England, Carrick wuxuu United u saftay 464 kulan intii uu joogay 12 sano, wuxuuna ku guuleystay shan horyaal oo Premier League ah iyo hal Champions League. Saddexdii kulan ee uu tababaraha ku-meelgaarka ahaa ayuu laba guul gaaray, halna barbarro, ka hor inta uusan Ralf Rangnick la wareegin xilka inta ka harsanayd xilli-ciyaareedkaas.

Bishii Oktoobar 2022 ayuu Carrick noqday tababaraha Middlesbrough, wuxuuna gaaray play-offs-ka Sky Bet Championship xilli-ciyaarkiisii ugu horreeyay, balse xagaagii hore ayaa shaqada laga ceyriyay.

Halyeeyga United Wayne Rooney, oo inta badan Carrick la soo ciyaaray Old Trafford, ayaa taageeray magacaabistan.

Isagoo la hadlayay BBC Sport barnaamijkeeda  Wayne Rooney Show, Rooney (40 jir), oo hore u ahaa kabtankii England, ayaa yiri:
“Waxaan wada joognay Barbados toddobaadkii hore! Marka run ahaantii cidina ma filayn tan. Michael waa nin aad u caqli badan, wuxuuna heli doonaa ixtiraamka qolka labiska.”

Markii la weydiiyay haddii uu ku biiri lahaa shaqaalaha Carrick haddii la weydiiyo, Rooney wuxuu yiri:
“Dabcan waan ku biiri lahaa! Waa go’aan sahlan haddii ay sidaas noqoto.”

Manchester United hadda waxay diiradda saaraysaa oo keliya Premier League, halkaas oo ay ku jirto kaalinta toddobaad, iyadoo Arsenal iyo Manchester City ay ku jiraan kaalmaha koowaad iyo labaad.

Waxay ka hareen dhammaan tartamada koobabka, sidaas darteed tababaraha ku-meelgaarka ah ayaa hadda diiradda saari doona sidii kooxda ugu soo bixi lahayd tartamada Yurub xilli-ciyaareedka dambe.

 

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.