Saturday, April 4, 2026

Mid ka Mid ah Dad ka Caraysan Dagaalka Iran Oo Dhintay Markii Ciidanka Israel Ay Isku Dhaceen.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Israa’iil ayaa caawa waxa ka taagan xaalad kacsanaan ah oo ka dhalatay dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo dagaalka Iran, kadib markii ciidamada booliska ay si xooggan u farageliyeen shacabka mudaharaadayay.

Dibadbaxayaasha, oo isugu jiray dad rayid ah iyo kooxo u ololeeya nabadda, ayaa buuxiyay waddooyinka waaweyn, iyagoo ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah dagaalka iyo siyaasadaha dowladda.

Dadka dibad baxyada ka dhigayay Tel*biib ayaa ku dhawaaqayay “Dagaalka joojiya, wadda hadal fura..” Booliska ISR, ayaa dadkii xoog ku arruuriyay. Mid kamid ahna wadnaha ayaa istaagay.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada ammaanka ayaa adeegsaday xeelado adag oo ay ku kala eryeen dadkii isu soo baxay, taasoo keentay isku dhacyo iyo rabshado ka dhacay meelo kala duwan.