Midowga Yurub Oo Ceeb ku Tilmaamay ka Celinta Muqdisho Ee Ciidanka Puntland & Jubbaland

by Heemaal
2 minutes read
A+A-
Reset

Midowga Yurub ayaa muujiyay walaac iyo ka-xumaan xooggan kaddib markii maanta magaalada Muqdisho ay soo gaari waayeen wafdi hordhac ah oo ka socday maamulada Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo lagu waday inay ka qeyb qaataan wadahadallo siyaasadeed oo muhiim ah.

Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu aad uga xun yahay dhacdadan, taasoo ay tilmaantay inay caqabad ku noqon karto dadaallada lagu doonayo in lagu horumariyo is-fahamka siyaasadeed iyo wadahadalka u dhexeeya dhinacyada Soomaalida.

“Si kasta oo uu u jiro is-faham la’aan ama khilaaf jira, Midowga Yurub wuxuu rajeynayaa in dhammaan dhinacyadu ay muujiyaan biseyl siyaasadeed, isla markaana xal wadajir ah u helaan sidii uu u qabsoomi lahaa wadahadalkan muhiimka ah, loona abuuri lahaa jawi ku habboon doodaha masiiriga ah ee horseedaya hanaanka doorashooyinka,” ayay tiri Danjire Di Mauro.

Arrintan ayaa timid kaddib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dib u celisay diyaarado siday wafdiyo hordhac ah oo ka kala socday Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo ay la socdeen ciidamo ka tirsanaa amniga wafdiyada. Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in tallaabadan ay la xiriirtay arrimo amni oo culus.

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Soomaaliya ayaa war rasmi ah ku sheegtay in xubno ka tirsan waxa ay ugu yeertay “Golaha Mustaqbalka Soomaaliya” ay isku dayeen in ay hub ku soo qaadaan diyaarad, taasoo wasaaraddu ku tilmaantay xadgudub cad oo ka dhan ah nidaamka amniga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho. Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in tallaabada la qaaday ay ahayd mid lagu ilaalinayo amniga guud iyo badbaadada garoonka.

Dhanka kale, maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa si adag u cambaareeyay tallaabada ay qaadday Dowladda Federaalka, iyagoo ku tilmaamay fal “naxdin leh” oo aan horay loo arag, isla markaana halis gelinayay nolosha xubnihii wafdiyada ka tirsanaa. Waxay sidoo kale sheegeen in falkaasi dhaawac ku yahay kalsoonidii loo baahnaa si loo hirgeliyo wadahadal miro dhal ah.

Khilaafkan ayaa imanaya xilli dalka uu marayo marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, islamarkaana ay socdaan dadaallo gudaha iyo kuwo caalami ah oo lagu doonayo in la isku soo dhaweeyo aragtiyada kala duwan, si loo gaaro heshiis siyaasadeed oo ku saabsan mustaqbalka doorashooyinka iyo nidaamka dowladnimo ee Soomaaliya.

Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa aaminsan in dhacdadan ay muujinayso baahida loo qabo in si degdeg ah loo dejiyo khilaafaadka jira, loona adkeeyo wada-shaqeynta u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada, si looga fogaado xaalado sii adkeyn kara kala aragti duwanaanta siyaasadeed ee dalka.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.