Midowga Yurub oo ka Digay Xiisadda kasii Daraysa ee Koonfur Galbeed, kuna Baaqay Wada-hadal degdeg ah

Midowga Yurub ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku aaddan xaaladda sii cakirmeysa ee ka taagan deegaannada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo ay isa soo tarayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee halkaasi ka jira.

Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa sheegtay in Midowga Yurub si dhow ula socdo xaaladda, isla markaana uu ka walaacsan yahay sida ay wax u socdaan.

Waxay carrabka ku adkeysay in waqtigan ay lagama maarmaan tahay in la helo wada-hadal wax dhisaya oo xal looga gaaro khilaafaadka jira.

“Wada-hadal wax dhisaya ayaa muhiim ah xilligan la joogo; dadaallada dhexdhexaadinta waa in la soo dhaweeyaa lana siiyo fursad ay ku mira dhalaan,” ayay tiri danjire Francesca Di Mauro.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku lugta leh xiisadda inay muujiyaan dulqaad iyo masuuliyad, isla markaana ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo keeni karta isku dhac hor leh oo xaaladda sii murjin kara.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay jirto cabsi laga qabo in khilaafaadka ka aloosan Koonfur Galbeed ay u gudubto gacan ka hadal, haddii aan si degdeg ah xal siyaasadeed looga gaarin.

Related posts

Qodobada Heshiiska uu Mareykanka u Gudbiyay Iiraan Oo la Shaaciyay.

Xoghayaha Dagaalka Mareykanka Oo Trump ka Hor-qiray In Awooda Iran la Jabin karin.

“Dalalka Carabta waa Inay Xoojiyaan Iskaashiga ISRL.”Taliye kuxigenka Booliska Dubai