Wasaaradda gaashaandhigga Britain ayaa sheegtay in ciidamada Britain ay soo rideen 10 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ee Iran ay soo tuurtay.
Ciidamada lidka diyaardaha ayaa waxay ku garaaceen madaafic diyaradahan oo sida wasaaradu shegtay soo gashay “goob halis ah iyada oo aan faahfaahinin halka ay ku taal goobtaasi.
Diyaaradaha dagaalka UK, oo ay ku jiraan Typhoons iyo F-35, ayaa sii wada howlgalladooda difaac ee Qubrus, Urdun, Bahrain, Qatar iyo Imaaradka,, ayay intaa ku dartay wasaaradda gaashaandhiga Uk
Mareykanka oo sheegay inuu Duqeeyay in ka badan 12,300 oo Bartilmaameedyo Iran.
Warbixin uu mar dhaw soo saary Mareykanka ayaa lagu sheegay inuu tan iyo intii uu dagaalka bilaabmay la beegsaday in ka badan 12,300 bartilmaameed oo Iran ah, oo ay ku jiraan xarumaha taliska iyo xakamaynta, goobaha gantaallada ballistic-ga, iyo bakhaarro lagu kaydiyo hubka.
Sidoo kale, in ka badan 155 maraakiib oo ay Iran leedahay ayaa la sheegay in la “waxyeelleeyay ama la burburiyay,” sida uu sheegtay xarunta taliska dhexe ee Mareykanka ee (Centcom).
Warbixintu waxay sidoo kale xustay noocyada diyaaradaha loo adeegsaday in ka badan 13,000 duulimaadyo dagaal tan iyo markii dagaalku bilaabmay — kuwaas waxaa ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee F-22 Raptor iyo F-35 Lightning II, iyo sidoo kale diyaaradaha bambaanooyinka sida B-1 Lancer, B-2 Spirit, iyo B-52 Stratofortress.
