Raysal wasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi ayaa sheegay in uu la hadlay Raysal wasaaraha dalka Israel Benjamin Netanyahu oo ay ka wada hadleen xaalada gobolka
Raysal wasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi ayaa sheegay in uu la hadlay Raysal wasaaraha dalka Israel Benjamin Netanyahu kaas oo uu gaadhsiiyey salaanta sannadka cusub. Waxa uu tilmaamay in ay isla soo qaadeen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga istaraatijyadeed ee Hindiya iyo Israel oo muddooyinkii dambe si weyn u sii korayey.
New Delhi iyo Talaabiib ayaa muddooyinkii dambe si weyn isha ugu hayey in ay saamayn ku yeeshaan Gobolka Geeska Afrika iyada oo bishii hore uun ay ahayd markii Narendra Modi uu booqasho ku yimi magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia.