Muqdisho oo Martigelisay Shir Xasaasi ah: Dastuurka iyo Doorashada Qof iyo Cod oo Xiisad Siyaasadeed Huriyay

Shirweynaha ka furmay magaalada Muqdisho ayaa noqday mid si weyn indhaha loogu hayo, maadaama uu kusoo aaday marxalad siyaasadeed oo aad u xasaasi ah. Shirkan oo ay ka qeyb galayaan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo xubno ka socda bulshada rayidka, ayaa diiradda saaraya waxa ay ugu yeereen “difaaca dastuurka”.

Shirkan ayaa hal-ku-dhiggiisu yahay “Difaaca Dastuurka”, waxaana uu kusoo beegmayaa xilli ay Dowladda Federaalka Soomaaliya waddo qorshe lagu dhammaystirayo wax ka beddelka Dastuurka KMG ah. Guddoonka Baarlamaanka ayaa qorsheynaya in toddobaadka soo socda la ansixiyo dhammaystirka dastuurka. Dowladda ayaa ku doodeysa in dalka u baahan yahay dastuur dhameystiran si loo helo sharci sal adag leh oo lagu hago dowladnimada iyo doorashooyinka mustaqbalka.

Si kastaba, mucaaradka  gaar ahaan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed  waxay ku eedeeyeen dowladda in habka wax ka beddelka uusan ahayn mid loo dhan yahay, islamarkaana aan laga gaarin heshiis siyaasadeed oo ballaaran. Waxay ka cabsi qabaan in isbeddellada dastuurka ay awoodda si weyn ugu ururin karaan dowladda dhexe.

Qodobka ugu muranka badan waa hirgelinta doorasho qof iyo cod ah. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si cad u taageeray in shacabka si toos ah u doortaan wakiilladooda, taas oo uu ku tilmaamay tallaabo muhiim u ah dimuqraadiyeynta dalka.

Hase yeeshee, maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa ka hor yimid qorshahan. Waxay aaminsan yihiin in marka hore loo baahan yahay in la helo amni, heshiis siyaasadeed iyo kalsooni guud oo u dhaxeysa dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada. Sidoo kale, qaar ka mid ah mucaaradka Muqdisho waxay ku baaqeen in dib loogu laabto doorasho dadban si looga fogaado qalalaase siyaasadeed.

Wada-hadalladii u socday Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka ayaa burburay kadib markii la isku mari waayay arrimaha dastuurka iyo doorashada. Tani waxay muujineysaa kala aragti duwanaansho qoto dheer oo ku saabsan jihada siyaasadeed ee dalka.

Haddii baarlamaanka uu ansixiyo dhammaystirka dastuurka toddobaadka soo socda, isla markaana uu saxiixo madaxweynaha, waxaa suurtagal ah in xiisadda sii kororto, gaar ahaan haddii dhinacyada ka soo horjeeda ay qaadacaan hanaanka cusub.

Related posts

USA oo u ogolaatay Israa’iil iib hub degdeg ah, iyo khaliijkii oo cidlo ku soo dhacay

Sacuudiga iyo Pakistan oo ka wada hadlay isku diyaarinta, dagaala iyo difaac wada jir ah

Xisbulah oo eryatay ciidamo Yuhuuda oo isku dayey hawlgal qarsoodi ah oo ay ka fulinayeen Lubnaan