Dastuurku wuxuu dammaanad qaadayaa in dhammaan muwaadiniintu helaan xuquuq iyo fursado isku mid ah. wada-hadal furan ayaa ah jidka kaliya ee lagu gaari karo horumar waara, midnimo iyo Qaran ku taagan jirido Adag.
Sidaa awgeed, gobollada galbeedka Somaliland, marna ma dalbanayaan wax ka baxsan Dastuurka Somaliland, bal se waxa ay si buuxda oo dhammeystirnaan leh ay u dalbanayaan wax u dhigma xuquuqdoodii, karaamadoodii, iyo kaalintoodii ay wadar ahaan qarankan ku lahaayeen, taasi oo ah xaq caddaaladeed iyo sinnaan ummadeed oo mudan in laga wada hadlo oo wax garadka iyo dawladdu tixgalin weyn siiyaan.
Maxaa yeelay, gobollada galbeedku waa tiir ka mid ah tiirarka ay Somaliland ku taagan tahay, oo isku haya dhulka, dadka, iyo taariikhda, waxaynna jiritaanka dalkan ku soo bixiyeen naf-hurnimo aan la inkiri karin. Haddana, muddo dheer waxa jiray dareenno ah in matalaadda hoggaamin siyaasadeed, fursadaha awood-wadaagga dawladda, iyo go’aan-qaadashada qaranka aanay u dhigmin tacabkii dal-dhisnimo, iyo waxtarka ay ku bixiyeen hirgalintii dhismaha qaranka.
Tani ma aha arrin la iska indha tiri karo, mana aha cabasho la dib dhigi karo. Waa marxalad go’aan ah oo daawadeedu maanta taagan tahay, waana qodob aan sinaba u aqbalayn dib u dhac berrito ah.
Haddaba, Dastuurka JSL waxa uu si cad u dammaanad qaadayaa sinnaanta muwaaddiniinta reer Somaliland, caddaalad qaanuun ku qotonta iyo suurtagalnimada ka-qaybgal siyaasadeed oo loo wada siman yahay talada dalka. Bal se, haddii Dastuurka JSL la wada tixgelin waayo oo ummadda deggen ama ku dhaqan gobollada galbeedka Somaliland loo arko duul dheregsan oo dheeraad dalbanaya, halkii loo arki lahaa gobollo dalbanaya wax ay xaq u leeyihiin oo ay mutaysteen.
Haddiise ay caddaaladdu noqoto tu cid gaar ah siisa mudnaan gaar ah iyo lahaansho gaar ah, waxa hubaal ah in qarannimadii la wada lahaa ay dhaawacmayso, se haddii ay caddaaladdu wada gaadho dhammaan muwaaddiniinta Somaliland, waxa dhab ah in qaranku yeelanayo Midnimo iyo awood xooggan oo waafi ah oo iskaga dufaaco cidkasta oo isku dayda inay fara galiso.
Ugu danbayntii, waxa xilligan loo baahan yahay in la abuuro wada hadal furan oo ka turjumaya xaqiiqda dhabta ah ee hadda ka taagan gobollada galbeedka Somaliland. Tani waa jidka kaliya ee lagu gaadhi karo midnimo, walaalnimo waarta iyo kalsooni qaran.
Hubaalna waxa ah, Qaran ku taagan jirid adag ayaa codkiisa dunidu dhegeysan kartaa, waxa keliya ee lagu gaadhi karaana waa helidda caddaalad sugan iyo sinnaansho ummadeed oo hoggaaminta sare ee dalku hadda hirgaliso.
Sidaa darteed, maanta Reer Awdal, waxa ay codsanayaan in ay helaan cadaalad iyo matalaad u dhiganta tacabkooda.
Xaraarada Dadka Awdal halka ay maraysaana maaha mid u dulqaadan karta dib u dhac berrito ah, oo luminaya mustaqbalkeenna fog,
Maxaa yeelay; marxaladdan dawadeedu dib u dhac ma leh, cawaaqibkeeduna waa mid taabanaya jiritaanka iyo midnimada shacabka Somaliland..
Waxan kaga tagayaa Tixdar #Hadrawi AHN
Miyaan Geeddi-Baabbow arladu, gelina waayeynin.
Gole miiggan, geed sheegan iyo, garangar muunaysan,
Gudban iyo cod laba geesa iyo, guurti kala soorta,
Garnaqsiga mudducigoo tashiga, gooni uga showrey,
Geda labe maddaacaley hadloo, dhaabad Wan geystey,
kala gurasho meertiyo rogaal, la isla guur guurey,
Maahmaaho wada guuna iyo, gabayo raac raacay,
Guddoon dhacay hubaal iyo go’aan , layku gacan qaaday,
shan god oo murtidu leedihiyo, gororka suugaanta,
Gedda hadalka loo ruga geshiyo, marin gobaadeed dheh.
MIDNIMOWALAALNIMO