Netanyahu:-Ciidamada Israal waxay Heleen Maydka Maxbuuskii Ugu Denbeeyay Ee Gaza,

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Ra’iisul Wasaaraha israel Benjamin Netanyahu ayaa Isniintii sheegay in ciidamada Israal ay heleen oo ay aqoonsadeen maydka maxbuuskii ugu dambeeyay ee weli ku harsanaa Gaza, Ran Gvili.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan u sheego muwaadiniinta israel iyo shacabka israel, sida aan hadda ugu sheegay qoyska Gvili, in ciidamadeennu heleen Ran Gvili, wuxuuna ku soo socdaa gurigiisa,” ayuu yiri.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka Wafa, howlgallada lagu raadinayay Gvili ayaa la bilaabay subaxnimadii Axadda. Ciidamada israel ayaa sameeyay hawlgallo ballaaran oo cagaf cagaf ah oo ka dhacay bariga magaalada Gaza, waxaana la sheegay in dhowr qabuuro la qoday oo la waxyeelleeyay intii uu socday baaritaanka.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.