Netanyahu Oo Amray in Dalka Laga Saaro Diblomaasiyiinta iyo Wakiilada Spain.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa mar dhawayd soo saaray amar ah in dalka Israa’iil laga eryo diblomaasiyiinta iyo wakiilada dalka Spain ee fadhigoodu yahay Israa’iil.

Fariin qoraal ah iyo muuqaal uu baahiyey Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil ayuu ku sheegay in Spain ay dalkiisa kula jirto dagaal diblomaasiyadeed, sidoo kalena waxa uu xusay in Spain ay sumcad-dil ku hayso ciidamada Israa’iil ee dagaalka ku jira, waxaanu xusay in Ciidamada Israa’iil ay yihiin kuwa ugu qiyamka, akhlaada iyo damiirka fiican dunida oo dhan, sidaas darteedna aanay ogolaan doonin in la eedeeyo ciidamadiisa.

“Dal kasta oo dunida ah oo nagu soo qaada dagaal diblomaasiyadeed wixii hadda ka dambeeya ka aamusi mayno, waxayna la kulmi doonaan cawaaqib xumo aanay mahadin doonin,” ayuu yidhi Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil.