Netanyahu oo ka shikiyey Trum”Cadayn baan kaa rabaa”

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa weydiistay Aqalka Cad caddeyn horaantii toddobaadkan kadib markii uu ogaaday in saraakiil ka tirsan maamulka Donald Trump laga yaabo inay la xiriireen Iiraan.

Sida lagu sheegay warbixin ay baahisay warbaahinta Mareykanka ee Axios, oo soo xiganaysa laba ilo oo aan magacyadooda la shaacin kana warqabay arrintan, sirdoonka Israa’iil ayaa helay xog muujinaysa inay jiri karaan xiriirro u dhexeeyay maamulka Trump iyo mas’uuliyiin Iiraani ah si looga wada hadlo xabbad-joojin suuragal ah.

Axios ayaa sheegtay in Netanyahu uu Isniintii wacay saraakiisha Aqalka Cad si uu u weydiiyo in wada-hadallo noocaas ah ama is-weydaarsi farriimo ahi ay dhaceen.

Mid ka mid ah ilaha ayaa warbaahinta u sheegay in Aqalka Cad uu u sheegay Netanyahu in maamulka Trump uusan la hadleyn mas’uuliyiinta Iiraan “gadaashiisa” ama si qarsoodi ah.

Related posts

USA oo u ogolaatay Israa’iil iib hub degdeg ah, iyo khaliijkii oo cidlo ku soo dhacay

Sacuudiga iyo Pakistan oo ka wada hadlay isku diyaarinta, dagaala iyo difaac wada jir ah

Xisbulah oo eryatay ciidamo Yuhuuda oo isku dayey hawlgal qarsoodi ah oo ay ka fulinayeen Lubnaan