Saturday, April 11, 2026

Netanyahu Oo ku Adkaystay inuu sii Wadi-doono Dagaalka uu kula jiro Iran iyo Xulafadeeda.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ku adkaystay in dalkiisu sii wadi doono dagaalka uu kula jiro Iran iyo xulafadeeda, isagoo hadal adag ku qoray bartiisa X, isla markaana si kulul u dhaliilay Madaxweynaha Turkiga.

Netanyahu ayaa yiri, “Israa’iil, intii aan hoggaaminayo, waxay sii wadi doontaa la dagaallanka nidaamka argagixisada ee Iran iyo wakiilladeeda.” Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, inuu la jaanqaadayo Iran, isla markaana uu mas’uul ka yahay xasuuqyo loo geysto dadka Kurdiyiinta ah.

Qoraalkan ayaa imaanaya xilli xiisaddu weli ka taagan tahay gobolka, inkastoo uu jiro xabbad-joojin lala galay Iran iyo wadahadallo u socda Maraykanka iyo Iran. Sidoo kale, Netanyahu—oo ay International Criminal Court ku raadineyso eedeymo la xiriira dambiyo dagaal oo ka dhacay Gaza ayaa hadalladiisu sii hurinayaan muranka siyaasadeed ee gobolka Bariga Dhexe.

Dhinaca kale Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in tirada dhimashada dalka tan iyo markii ay ku lug yeelatay colaadda ay hadda dhaaftay 2,000.

Wakaaladda Wararka Qaranka ayaa ku warameysa in sida laga soo xigtay xarunta gurmadka degdegga ah ee caafimaadka ee wasaaradda ay dhinteen 2,020 qof, 6,436 qofna ay dhaawacmeen tan iyo 2-dii Maarso.

Warbixintan ayaa timid ka dib markii wasaaraddu ay sheegtay in weerar Israa’iil ay ku qaadday magaalada Tuffahta ee koonfurta Lubnaan ay ku dhinteen siddeed qof, sagaal kalena ay ku dhaawacmeen, oo ay ku jiraan shan xaaladood oo halis ah.