Israa’iil ayaa ku dhawaaqday in ay kordhinayso aagga amniga ah ee koonfurta Lubnaan. Netanyahu ayaa bartiisa X ku sheegay in ballaarintani ay abuuri doonto “aag difaac oo ka weyn” isla markaana ay ka hortagi doonto weerar dhulka ah oo Israa’iil lagu soo qaado, kaas oo ay fulin karaan ururka Hezbollah ee ay taageerto Iiraan.
Maalmihii u dambeeyay, ciidamada Israa’iil ayaa qarxiyay buundooyin dhowr ah oo ku yaalla webiga Litani River, oo qiyaastii 30 km u jira xadka u dhexeeya Lubnaan iyo Israa’iil.
Wasiirka gaashaandhigga Israa’iil, Israel Katz, ayaa sheegay in buundooyinkaas ay “Hezbollah u isticmaali jirtay marinka argagixisada iyo hubka”.
Katz ayaa sidoo kale sheegay Talaadadii in kumannaan qof oo Lubnaaniyiin ah oo ka barakacay koonfurta “aysan dib ugu soo laaban doonin koonfurta webiga Litani ilaa amniga dadka deggan waqooyiga Israa’iil la xaqiijiyo.”
Sidoo kale Israel ayaa dalalka Saaxiibka la ah ka Codsatey iney Dalalkooda ka Eryaan Safiirada Iiraan.
Wasiirka Arrimaha Dibada ISRL ayaa yidhi “Kulan aan dhawaan la yeeshay safiirada dalalka kale ee ka hawlgala ISRL waxaan ku booriyay iney dalalkooda ka caydhiyaan safiirada Iiraan.”
Dhinaca kale Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa magacaabay diblomaasi Faransiis ah, Jean Arnault, inuu noqdo ergaygiisa gaarka ah ee arrimaha khilaafka Bariga Dhexe.
Magacaabistan ayaa imaanaysa xilli ay sii kordhayaan xiisadaha iyo dagaallada ka socda gobolka, iyadoo la filayo in ergaygan cusub uu ka shaqeeyo dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu yareynayo colaadda iyo raadinta xal nabadeed.