Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa aqbalay casuumaad uu ka helay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ku aaddan inuu ku biiro waxa loo bixiyay “Guddiga Nabadda”. Xafiiska Netanyahu ayaa Arbacadii ku shaaciyey baraha bulshada in uu oggolaaday ka mid noqoshada guddigan, inkastoo Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC) ay horay ugu soo saartay waaran xarig ah, iyada oo ku eedeysay dambiyo dagaal oo ka dhacay Qasa.
Netanyahu ma aha hoggaamiyaha kaliya ee ICC ay dooneyso oo lagu casuumay guddigan. Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa isna Isniintii helay casuumaad la mid ah, inkastoo uu wajahay dacwad la xiriirta dagaalka Ukraine ee ku dhow afar sano. Aqalka Kremlin-ka ayaa sheegay inay doonayaan inay “faahfaahin ka helaan dhammaan qodobada” ku saabsan hindisahan, iyaga oo aan caddeyn in Putin uu aqbali doono iyo in kale. Sidoo kale, wararka ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha Belarus, Alexander Lukashenko, oo ah xulafo dhow oo Putin ah, isna lagu casuumay guddiga.
Warbaahinta caalamka ayaa werisay in Madaxweyne Trump uu qorsheynayo inuu saxiixo axdiga aasaaska Guddiga Nabadda inta uu ku sugan yahay Shirka Dhaqaalaha Adduunka ee Davos, halkaas oo la filayo inuu Arbacada khudbad ka jeediyo. Trump ayaa muujiyay in ujeedkiisu yahay in la ballaariyo waajibaadka guddigan, si uu uga shaqeeyo xalinta colaadaha iyo dhibaatooyinka caalamka, halkii uu ku ekaan lahaa oo kaliya Qasa.
Arrintan ayaa dhalisay hadal-heyn ah in Trump uu doonayo in Guddiga Nabadda uu mustaqbalka beddelo Qaramada Midoobay, hay’ad uu marar badan ku tilmaamay mid aan waxtar badan lahayn. Markii la weydiiyay in guddigan uu qaadan karo kaalinta QM, Trump wuxuu sheegay in Qaramada Midoobay ay sii jiri doonto “maadaama ay leedahay awood weyn”, balse wuxuu intaas ku daray in Guddiga Nabadda “laga yaabo” inuu mustaqbalka noqdo beddel, maadaama QM “aanay weligeed gaarin kartideedii buuxday”.
Dhanka kale, Shiinaha ayaa si cad uga falceliyay hadalladaas, iyadoo Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda uu sheegay in Beijing ay si buuxda u taageersan tahay nidaamka caalamiga ah ee ku saleysan Qaramada Midoobay, sharciga caalamiga ah, iyo mabaadi’da ku xusan Axdiga QM.
Guddiga Nabadda ayaa markii hore loo aasaasay in uu kormeero dib-u-dhiska Qasa dagaalka kadib, balse sida lagu sheegay warbixinno, axdigiisu kuma koobna oo kaliya dhulka Falastiin, wuxuuna yeelan karaa door ballaaran oo ku saabsan xalinta khilaafaadka iyo amniga caalamka.

