Warbaahinta Israa’iil ayaa bilowday olole loogu baaqayo Netanyahu inuu dib u hagaajiyo xiriirka Turkiga, si looga faa’iidaysto fursada jirta ee ka dhalanaysa inuu Turkiga weerarro kala kulmayo Iiraan.
Wargeyska Yedioth Ahronot ayaa soo bandhigay is waydiinta la xiriirta ;”Ma suuragalbaa in weerarka gantaallada ee Iiraan ku qaaday Turkiga uu dhiirrigeliyo dib u heshiisiin u dhexeysa Telaabiib iyo Ankara, isla markaana xoojiyo iskaashi u dhexeeya Turkiga iyo Israa’iil oo ka dhan ah cadow ay wadaagaan, oo ah Iiraan?
Khubaro la hadlay wargeyska ayaa aaminsan in Israa’iil aysan seegin fursadan, ayna bilowdo wadahadal ay la gasho Turkiga.