Netanyahu: “Trump Wuxuu ii Ogolaaday Duulaan Cusub oo ku Wajahan dalka..

by Heemaal
1 minutes read

RW Israel Netanyahu ayaa u sheegay golihiisa wasiirrada inuu Trump siiyay oggolaashaha duullaan cusub oo Israa’iil ay ku qaadayso Lubnaan.

Waxaa uu intaas ku daray in ujeeddada duullaankan uu yahay mid meesha looga saarayo awoodda Xisbullah, sida ay werisey warbaahinta Israa’iil ee Kann news.

Marka uu soo baxay warkan, waxaa maanta gaaray caasimadda Lubnaan ee Beirut— wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, xilli horey saraakiisha Israa’iil ay u sheegeen sababta duullaanka cusub loogu qaadayo Lubnaan la xiriirto in loo diyaar garoobo dagaal waqti dheer qaadan karo oo ay Israa’iil la galayso Iiraan.

Maalin ka hor sidoo kale Israa’iil ayaa heshiis amni oo lagu wadaago warbixinno sirdoon waxay la gaartay Suuriya, waxaa ka horreysay aqoonsiga Somaliland oo fursad u siinaya joogitaan ay ku yeelanayo marinka istaraatijiga ah ee gacanka cadmeed, iskudarka arrimahan ayaa lagu sheegay inuu qeyb ka yahay qorshaha weerar ay Israa’iil ku qaadi karto Iiraan oo wajahaysa dhacdooyin gudaha oo bannaanbaxyada ay ka mid yihiin.

Have any thoughts?

Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.