Maxkamad ku taalla waddanka Maraykanka ayaa 15 sano oo xabsi ku xukuntay nin lagu magacaabo Saheed Sunday Owolabi oo u dhashay dalka Nayjeeriya kaas oo lagu helay in uu dhacay dumar uu jacayl u jilay kuwaas oo uu ka qaatay lacag dhan 1.5 Milyan Dollar.
Sida ay boggeeda ku baahisay waaxda Caddaalada ee Maraykanku ninkan ayaa sameeyey arrimo uu ku khimaayey dumarkan isaga oo iska dhigaya nin daacad ah isla markaana waydiinaya lacago u suurta geliyey in uu helo xisaabohoodii gaarka ahaa ee Bangiyada halkaas uu lacago badan kala baxay.
Ninkan ayaa lagu helay in haweenay joogta gobolka North Carolina uu keligeed ka helay 120, kun oo Dollar isaga oo jacayl been ah u jilaya.
Xogta la baahiyey waxa ka dhex muuqda sawirradii been abuurka ahaa ee uu diri jirey iyo noloshii dhalanteedka ahayd ee dumarkan uu ku maaweelin jirey taas qayb ka ahayd caddaymihii maxkamadda lagu soo bandhigay.
Ma jirto mid ka mid ah dumarka uu lacagta ka qaadan jiray oo ninkan la kulantay balse waxa uu ku shukaansaday dhinaca baraha bulshada iyo mareegaha kala duwan ee Internet-ka.
Haasawaha been abuurka ah ee dumarka Maraykanka jooga lagu dhoco ayaa si weyn u sii badanayey muddooyinkii la soo dhaafay sida ay sheegtay Warbaahinta DW.
