Ururka Islaamka OIC oo soo Dhaweeyay Wajiga Labaad ee Nabada Gaza.

by Heemaal
0 minutes read
A+A-
Reset

Xafiiska Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa soo dhaweeyay bilawga wajiga labaad iyo dhismaha Guddiga Maamulka ee loo xilsaaray Maamulka Qasa, oo uu dhawaan magacaabay Madaxweyne Donald Trump.

OIC ayaa ku adkaysay muhiimadda midnimada dhulka Falastiin, iyada oo ku baaqday in dhammaan dhinacyadu ay ka shaqeeyaan xasilloonida, wadajirka, iyo nabadda Falastiin.

Ururka ayaa sheegay in guddigan cusub uu door muhiim ah ka ciyaari doono hagidda maamulka gudaha Gaza iyo hubinta isku xirnaanta dhulka Falastiin oo dhan, isagoo dhiirrigelinaya dadaallada nabadeed ee gobolka.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.