Jabhadda ONLF ayaa cambaareysay waxay ku tilmaamtay bandhigyo siyaasadeed oo uu soo abaabulay Ra’iisul Wasaare Itoobiya, Abiy Ahmed, kuwaas oo lagu soo bandhigay madaxda gobollada deriska ah iyo kuwa sare ee gobolka, iyadoo lagu andacoonayo “horumar” iyo “iskaashi goboleed.”
ONLF ayaa sheegtay in la soo bandhigay muuqaal aan ka tarjumayn xaqiiqda siyaasadeed iyo tan nololeed ee ka jirta dhulka Soomaalida, halkaas oo ay sheegeen in weli laga diiddan yahay xukun aan ka imaanin dadweynaha ku nool deegaanka.
“Bandhiggan ma ahayn horumar dhab ah; waa farriin ah in maamulka Itoobiya uu doonayo inuu muujiyo awood, halka dalka Itoobiya laftiisu uu la tacaalayo qalalaase gudaha ah oo ka jira gobollada Amxaarada, Oromiya, Canfarta, Benishangul-Gumuz, Gambella, iyo xitaa gudaha Ismaamulka Soomaalida,” ayaa lagu sheegay bayaanka ONLF.
ONLF waxay sidoo kale tilmaantay in bandhigga siyaasadeed uu ku soo beegmay xilli nidaamka federaalka Itoobiya uu la kulmay guuldarrooyin militari oo ka dhacay Tigray, halka dhul ballaaran oo ka tirsan Amxaarada uu ka maqan yahay gacanta dowladda, iyadoo iskahorimaadyo ay ka socdaan Oromiya iyo meelo kale.
Waxa kale oo ONLF ku eedeysay xukuumadda Itoobiya inay isku dayayso inay dhulka Soomaalida ka abuurto nabad aan jirin oo lagu qarinayo burburka awoodeed ee dawladda.
Ugu dambeyn, ONLF waxay xusuusisay dhammaan dhinacyada gobolka iyo kuwa caalamiga ah in xukunka Itoobiya iyo bandhigyada Jig-jiga uusan beddelin xaqiiqda ah in dadka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin go’aan qaadashadooda madax-bannaan iyo ilaalinta sharaftooda.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii raysal wasaare Abiy Ahmed iyo madax ka socotay dalalka geeska Afrika ay isugu tageen degaanka Soomaalida, halkaas oo uu raysal wasaare Abiy xariga uga jaray mashruuca dalxiiska ee gobolka Shabeelle.