Pakistan Oo ku Dhawaaqay inay Dagaalka Bariga Dhexe Ka Odayeynayso

Ra’iisal Wasaaraha Pakistan ayaa ku dhawaaqay in Pakistan ay si buuxda u taageerayso dadaalada socda ee lagu doonayo in lagu soo afjarayo dagaalka bariga dhexe, wuxuuna sheegay in Pakistan ay diyaar u tahay iney martigeliso Wadahadalada u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan ee lagu xalinayo khilaafka socda.

Pakistan ayaa xidhiidh wanaagsan la leh dhinacyada colaadu ka dhaxayso gaar ahaan Mareykanka iyo Iiraan, Trump ayaana dhawaan sheegay inuu si gaara u ixtiraamo Ra’iisal Wasaaraha Pakistan iyo Taliyaha guud ee Ciidamada Pakistan.

Sidoo kale hogaamiyaha cusub ee Iiraan ayaa dhawaan sheegay in Pakistan ay tahay dalkii uu Aabihii ugu jeclaa. arrimahan ayaana Pakistan awood u siinaya iney door firifircoon ka qaadato sidii loo xalin lahaa colaada hadhaysay bariga dhexe.
HNN

Related posts

Qodobada Heshiiska uu Mareykanka u Gudbiyay Iiraan Oo la Shaaciyay.

Xoghayaha Dagaalka Mareykanka Oo Trump ka Hor-qiray In Awooda Iran la Jabin karin.

“Dalalka Carabta waa Inay Xoojiyaan Iskaashiga ISRL.”Taliye kuxigenka Booliska Dubai