Puntland ayaa ugu yeertay qaar kamid ah dalalka caalamka ee ay ka soo jeedaan maxaabiistii lagu qabtay hawlgalka buuraha Cal-miskaad inay magdhaw ka bixiyaan dhibkii ka soo gaarey shacabka Puntland.
Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa qoraal uu ku daabacay baraha bulshada ayaa ugu yeeray dalal ay ka mid yihiin Sacuudiga iyo Turkiga inay reer Puntland magdhaw ka siiyaan dhibaatadii ay u geysteen ragga ka soo jeeda ee ku biiray Daacish.
“Argagixiso ka timid Turkey iyo Saudi Arabia ayaa ka mid ah maxaabiista Dagaalka ciribtirka argagixisada calmiskaad lagu qabtay ee ku jira xabsiyada Puntland, dawladohoodu mag dhaw ha ka bixiyeen dhibaatada muwaadiniintoodu u gaysteen Shacabka Puntland”, ayuu yiri Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir.
Puntland ayaa soo bandhigtay in ka badan 50 maxaabiis ajaaniib ah oo lagu qabtay dagaaladii ka dhacay buuraleyda Cal-miskaad iyo kuwa laga soo qabtay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Bari muddadii uu socdey hawlgalka Hillaac.
Maxaabiista ayaa sidoo kale waxaa ku jira qaar ka soo jeeda dalalka Marooko, Itoobiya, Tanzania, Kenya iyo qaar kale, welina Puntland ma sheegin sida ay ka yeeleyso maxaabiistan iyo waxa uu noqonayo aayahooda mustaqbalka.

