Puntland Oo Degaanadeeda ka Mamnuucday Diyaaradaha Daallo (Akhriso)

Puntland ayaa degaanadeeda ka mamnuucday iney ka howlgasho dayuurada Daallo Airlines ka dib markii ay magaalada Muqdisho dib ugu celisay Xildhibaano heer federal ah oo ku sii jeeday Garowe

Ilo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in diyaaraddan ay hawada ku jirtay markii amar lagu siiyay inay dib ugu laabato magaalada Muqdisho, Ilaa hadda si rasmi ah looma oga sababta ka dambaysa go’aankan iyo cidda bixisay amarka lagu baajisay safarka xildhibaannada.

Safarka xildhibaannadan ayaa yimid ka dib markii ay casuumaad ka heleen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, oo si rasmi ah ugu yeeray xildhibaannada labada aqal ee laga soo doorto deegaannada Puntland.

Ujeedka kulanka loogu yeeray xildhibaannada ayaa ahaa wadatashi ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddelka Dastuurka.

Xubno ku dhow dhow Maamulka Hawada Soomaaliya oo fadhigoodu yahay Muqdisho ayaa sheegay in diyaaradda Daallo ay soo sheegatay cilad farsamo, sidaas darteedna dib loogu soo celiyay Muqdisho.

Hase ahaatee, ilo wareedyo madax-bannaan ayaa tilmaamay in diyaaradda markii la soo celinayay ay wax ka yar shan daqiiqo u jirtay Garoonka Garowe, isla markaana ay suurtagal ahayd inay halkaas ka degto haday cilad jirto. Ilo-wareedyadani waxay isweydiinayaan sababta loogu soo celiyay Muqdisho oo masaafo dheeraad ah jirta, halka sidoo kale la sheegay in diyaarad kale oo ku wajahneyd Kismaayo aan la soo celin oo xildhibaano mucaarad ah siday.

HOOS KA DAALACO WAR SAXAAFADEED

Related posts

USA oo u ogolaatay Israa’iil iib hub degdeg ah, iyo khaliijkii oo cidlo ku soo dhacay

Sacuudiga iyo Pakistan oo ka wada hadlay isku diyaarinta, dagaala iyo difaac wada jir ah

Xisbulah oo eryatay ciidamo Yuhuuda oo isku dayey hawlgal qarsoodi ah oo ay ka fulinayeen Lubnaan