Maamulka Puntland ayaa markii ugu horeysay si rasmi ah u cambaareeyay tallaabada Israa’iil ay ku sheegtay inay ku aqoonsatay Somaliland, iyagoo ku tilmaamay mid si cad u jebinaysa midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid, ayaa sheegay in uusan jirin gobol ka mid ah Soomaaliya oo si gaar ah u qaatay xornimo, isla markaana dhammaan gobolladu ay ka mid yihiin hal dal oo mideysan.
“Qayb ka mid ah Soomaaliya oo si gaar ah u qaadatay xornimo ma jirto. Gobol walba iskiis ayuu ahaa, balse dhammaantood waxay ku mideysan yihiin Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Caydiid.
Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa si cad u adkeeyay in Puntland marnaba aqbali doonin kala qeybinta dhulka Soomaaliyeed, isagoo talaabada Israel ku sifeeyey wax aan shaqeyn doonin.
“Gumeystayaashii reer Yurub, qabiilna qabiil wax uguma darin, Isaaq intiisa ayuu lahaa, Awdal gaarkeeda ayay ahayd, Warsangeli saldano ayuu ahaa, Dhulbahantena halkiisa ayuu joogay, calanka buluugga ah ayaa xornimada lagu qaatay, calan Somaliland ahna ma jirin” ayuu yiri wasiir Caydiid.
“Hadday Isaaq go’ayaan intooda ayay la go’ayaan oo ah Woqooyi Gaalbeed, qayb Togdheer ka mid ah iyo qayb yar oo Sanaag ah” ayuu raaciyay.
Hadalka Puntland oo ah mid lala soo daahay ayaa ku soo aaday xili todobaad ka hor maamulka Netanyahu uu sheegay in Israel ay dal madax banana u aqoonsatay Somalia, taasoo si weyn ay uga soo horjeesatay DF iyo beesha caalamka.

Have any thoughts?
Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

