Putin, Trump Oo Guul-darro kala kulmay Markii Xilka Laga Tuuray R/Wasaraha Hungary

by Heemaaln
1 minutes read

Putin, Trump iyo Netanyahu ayaa hal mar guul-darro kala kulmay Yurub, ka dib markii maanta xukunka laga tuuray hoggaamiyihii xiriirka ugu weyn ay la lahaayeen dalka Hungary ee Viktor Orbán oo guul-darro xanuun badan kala kulmay doorashadii ka dhacday Hungary.

Viktor Orbán, wuxuu xukunka hayay ku dhawaad 20 sanno, wuxuu ahaa mid dhuunta u galay Yurub oo si xadka ka baxsan u taageerrayay siyaasadda Puntin , Trump iyo Netanyahu, illaa Midowga Yurub uu gaaray heer ay yiraahdaan, meel uu ku suganyahay Viktor Orbán , yaan looga hadlin wax sir ah, sababtoo ah waxay ku eedeeyeen isla markiiba xogtaa inuu u gudbinayo Putin.

Wuxuu ahaa mid aan waligii dhaleeceyn duullaanka Ruushka ee Ukraine, wuxuu sidoo kale codka qayaxan u adeegsaday marar kale duwan go’aamo ay Midowga Yurub doonayeen inay ku cunaqabateeyaan Israa’iil, wuuxuna marar kale duwan booqday Ruushka, halka uu ahaa qofka xiriirka ugu dhow ee Yurubiyaanka ah la leh Trump.

Toddobaadkan, Trump ayaa ku-xigeenkiisa JD Vance u diray Hungary, si uu u taageerro oo garab istaag ugu muujinayo Viktor Orbán, oo ku jiray ololaha doorashada, balse taageerradaa waxba ma soo kordhin ee waxay xoojisay guul darrada Orban.

20 sanno ka dib, hadda xilka ra’iisul wasaaraha Hungary, waxaa loo doortay Péter Magyar, oo ah hoggaamiye dhex dhexaad u janjeera Yurub ah oo ka soo horjeeda siyaasadda dhinacyada uu Orban taageersanaa, waa keliya 45 jir hoggaamiya xisbiga Tisza, oo hadda doorashada ka helay 135 kursi, halka Orban oo laga guuleystay iyo xisbigiisa Fidesz ay heleen keliya 57 kursi , taasoo ka dhigan inay lumiyeen aqlabiyada.

Doorashadan markiiba loo arkay isbeddel weyn oo ka dhacay Yurub, waxaa soo dhaweeyay oo qodox ka baxday wadnaha Yurub ku sheegay hoggaanka Midowga Yurub, halka Viktor Orbán uu aqbalay natiijada doorashada isagoo la xiriiray una hambalyeeyay hoggaamiyaha cusub Péter Magyar.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.