Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa wada hadal telefoon la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee !ran iyaga oo ka wada hadlay xaaladda xabbad-joojinta u dhaxaysa Iran iyo Maraykanka iyo saameynta ay ku yeelan karto gobolka.
Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay muujiyeen “baahida loo qabo in dhammaan dhinacyadu ka jawaabaan dadaallada dhexdhexaadinta socda,” si loo furo waddo lagu xallinayo asalka xiisadda iyada oo loo marayo wadahadal iyo xal nabadeed.
Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la furo dhammaan marin-biyoodka muhiimka ah ee Hurmuz.

