Qiimaha Saliida caalamka oo Cirka galay & Wararkii u dambeeyey

Qarax ayaa laga maqlay caasimadda Qadar ee Dooxa, sida ay sheegeen wakaaladaha wararka ee AFP iyo Reuters.

Wasaaradda Difaaca Qadar ayaa sheegtay in ciidamada qalabka sida ay ka hortageen weerar gantaal oo lagu bartilmaameedsaday dalkaasi.

Qiimaha saliidda cayriin ee suuqyada caalamka ayaa kor u dhaafay $100 halkii foosto, taas oo ay sabab u tahay dagaalka u dhexeeya Israel iyo Maraykanka ee ka dhanka ah Iiraan iyo xiisadda sii kordheysa ee Bariga Dhexe.

Waddamada G7 ayaa yeelan doona kulan deg deg ah Isniinta si ay uga wada hadlaan kor u kaca qiimaha saliidda iyada oo saliidda cayriin ay kor u dhaaftay $100 foostadii iyo suuqyada saamiyada oo hoos u dhacay dagaalka sii kordhaya ee Maraykanka iyo Israa’iil ee Iran.

Wasiirrada maaliyadda ee ka socda waddamada hormuudka u ah warshadaha, oo ay ku jirto ra’iisul wasaaraha UK, Rachel Reeves, ayaa kulmi doona si ay uga wada hadlaan saameynta dhaqaale ee colaadda.

Iyadoo ay jiraan warar sheegaya in in ka badan 1,300 qof oo rayid ah ay ku dhinteen Iiraan ayaa dhanka kale ciidamada Maraykanku waxa ay sheegee in ilaa hadda toddoba askari oo Maraykan ah ay ku dhinteen dagaalka.

Wasiirka caafimaadka ee Lebanon ayaa sheegay in tirada dadka ku dhintay weerarrada Israel ay gaartay ku dhowaad 400 qof.

Dhanka kale, Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka Pete Hegseth ayaa sheegay in Maraykanku uu “diyaar u yahay inay gaadho inta ugu fog ee loo baahdo” haddii dagaalka uu sii socdo.Iiraan ayaa weerar ku qaadday Israa’iil iyo dalal kale oo ku yaalla Khaliijka Carabta. Waxa ka mid ah Baxrayn.

Qadar, Kuwait, Imaaraadka Carabta iyo Saudi Arabia ayaa sidoo kale sheegay weerarro cusub ay dhaceen xalay.

Wasaaradda Gaashaandhigga Sucuudiga ayaa ku dhawaaqday in la soo riday diyaarad aan duuliye lahayn oo ku sii jeedday xarunta saliidda ee Shaybah.

Wasaaraddu waxay ku qortay barta X n drone-tu ku socotay goobtaas saliidda laga soo saaro, balse la qabtay laguna burburiyay hawada ka hor inta aanay halkaasi gaadhin.

Goobta saliidda ee Shaybah waxay ku taallaa gobolka Rub’ al-Khali ee koonfur-bari Saudi Arabia oo qiyaastii 10 kiiloomitir koonfur ka xigta Abu Dhabi.

Qadar ayaa qabatay 313 qof oo lagu eedeeyay in ay ku faafiyeen muuqaallo iyo warar kale baraha bulshada.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Qatar ayaa ku dhawaaqday in waaxda la dagaallanka dambiyada dhaqaale iyo kuwa elektarooniga ah ee hoos timaadda maamulka guud ee baarista dambiyada ay ku guuleysatay inay qabato 313 qof oo ka kala socda jinsiyado kala duwan.

Qabashada dadkaas ayaa la xiriirta duubista iyo faafinta muuqaallo, iyo sidoo kale faafinta macluumaad marin-habaabin ah iyo warar xan ah oo kicin kara dareenka bulshada, taasoo ka hor imaanaysa tilmaamaha ay soo saareen hay’adaha ay khuseyso.

Ciidamada cirka ee Israa’iil ayaa sheegay in ay mowjado duqeymo ah ka fuliyeen saddex goobood oo ka tirsan Iran. Waxa ay sheegtay in ay isku mar beegsaneyso Tehraan, Isfahan iyo koonfurta Iran.

Wasaaradda difaaca Turkiga ayaa sheegtay in gantaalkii labaad ee ballistic-ga laga soo riday Iran ay burburiyeen “Hantida difaaca hawada iyo gantaallada Nato” kadib markii ay soo gashay hawada Turkiga.

War qoraal ah oo ay wasaaraddu soo saartay ayay ku dartay in burbur uu kusoo dhacay dhul maran oo ku yaalla koonfurta magaalada Gaziantep, balse ma jiraan wax khasaare ah oo ka dhashay.

Toddobaadkii hore, wasaaradda difaaca Turkiga ayaa sheegtay in gantaalka Iran oo ku sii jeeday hawadeeda uu burburiyay difaaca Nato.

Related posts

M/Putin Oo Sheegay inuu Diyaar u yahay In Shidaal Uu ka Iibiyo dalalka Yurub iyo Maraykanka

Itoobiya Iyo Israel Oo Sare U Qaadaya Xiriirkooda Xili Dagaalka Iran Meel Adag Marayo.

Sarkaal ka Tirsanaa Sirdoonka Ciidmada Badda ee Mareykanka Oo Xog Xaasaasi ah Bixiyay.