Qoraallo Islaam naceyb ah oo lagu qoray dugsi sare oo ku yaalla Maraykanka, ayaa kiciyay cambaarayn iyo cabsi.

by Heemaal
2 minutes read
A+A-
Reset

Mas’uuliyiinta degmada Montgomery ee gobolka Maryland, Maraykanka, ayaa baaraya qoraallo naceyb ah oo ka dhan ah Muslimiinta iyo Falastiiniyiinta, kuwaas oo lagu arkay darbiga bannaanka ee Dugsiga Sare ee Walt Whitman ee magaalada Bethesda. Arrintan ayaa dhalisay cambaarayn adag oo ka timid maamulka dugsiga iyo ururrada u dooda xuquuqda madaniga ah.

Maamulaha dugsiga Whitman, Gregory Miller,ayaa warqad uu u diray bulshada dugsiga oo ku saabsan dhacdadan, lagu sheegay in subaxnimadii Jimcaha la arkay qoraalo ahaa “ereyada ah ‘F*** Muslims, Nuke Palestine,’ oo ay weheliso calaamada Xiddigta Daa’uud, kuwaas oo lagu xardhay dhismaha dugsiga,” sida uu maanta oo axad ah uu weriyay wargeyska Washington Post.

“Hadalkan nacaybka ah ee aadka u aflagaadeysan, hanjabaaddana wata, kana dhanka ah Falastiiniyiinta iyo Islaamka, gabi ahaanba lama aqbali karo, waa dhaawac, mana loo dulqaadan doono Dugsiga Sare ee Walt Whitman ama dugsi kasta oo ku yaalla Degmada Montgomery,” ayuu Miller ku daray.

Dugsigu si degdeg ah ayuu booliiska ula socodsiiyay, wuxuuna la shaqayn doonaa baaritaanka iyagoo dib u eegaya muuqaallada kamaradaha ammaanka isla markaana la hadlaya ardayda marka ay habboon tahay, ayuu yiri.

Booliisku waxay sheegeen bayaan ay soo saareen galabtii Sabtida in muuqaallada kormeerka ay “muujinayaan dhowr qof oo looga shakisan yahay oo ka cararaya dugsiga kuna sii jeeda garoonka kubadda cagta qiyaastii 2:31 habeenimo. Waqtigan xaadirka ah lama hayo faahfaahin ku saabsan shakhsiyadooda.”

Miller wuxuu xusay in qoraalladaas la daboolay isla markaana la tirtiri doono, balse muuqashadoodu Jimcihii ay caro iyo cabsi ku abuurtay Muslimiinta iyo Falastiiniyiinta deegaanka.

“Hadal ku baaqaya baabi’inta dad ay dhib u geysteen in ka badan laba sano oo xasuuq ah iyo tobannaan sano oo dulmi ah waa muujin naxariis-darro aad u daran oo cudur maskaxeed la mid ah,” ayay tiri Zainab Chaudry, agaasimaha Maryland ee Golaha Xiriirka Islaamka iyo Ameerika (CAIR), bayaan ay soo saartay.

“Faafinta naceybka iyo rabshadaha ka dhanka ah bulsho kasta marna lama aqbali karo hay’adaha iyo bulshooyinkayaga. Ardayda Muslimiinta ah waxay xaq u leeyihiin inay dareemaan ammaan, la qiimeeyo, lana ilaaliyo,” ayay Chaudry ku dartay.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.