Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hoygiisa ku booqday Madaxweyne hore Mudane Shariif Sh Axmed xilli loo madlanyahay shirka wadahadalka dowladda iyo Golaha Mustaqbalka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayay booqashadiisa qeyb ka tahay niyad wanaagga madaxda dowladda ku wajahayso wadahadalka, horeyna u abuurtay jawi kasta oo xasiloon oo dalka horey loogu wadi karo.
Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Ra’iisul Wasaare hore Mudane Xasan Cali Kheyre oo xubin ka ahaa Golaha Mustaqbalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in gogosha dowladda ay markasta fidsantahay, albaabka madaxdana uu furanyahay, muhiimna tahay in dhinacyada lagala fariisto xal u halista arrimaha taagan si dalka uu horey ugu talaabsado, laga xoreeyo cadawga Khawaariijta, meelna looga soo wada jeesto farogalinta dibadeed ee lagu sameeyay dalka.

