Dibad-bax Rabshado xooggan Wata oo ka Socda Magalada Muqdisho

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Rabshado xoogan ayaa maanta ka socda degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho ka dib markii ay fooda is dareen shacab careysan iyo ciidamada amaanka dowlada Somalia.

Rabshadahan ayaa bilowday markii DF ay ciidamo boliis ah oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka geysay dhulkii xaafada Warlaliska ee degmadaas oo qeyb ka noqday dhulboobka ka socday mudooyinkii u dambeeyey caasimada.

Shacab ku dagaalamaya dhagxaan iyo waraf oo diidan dhul boobka iyo ciidamada dowlada oo adeegsanaya rasaas ayaa isku eryanaya xaafadaha degmadaas qeybo ka mid ah.

Ciidamada ayaa la sheegay iney wataan gaadiidka cagafta si loo burburiyo guryo ay dad shacab ag ka dhisteen dhulkii warlaliska oo ah dhul dan guud ah oo wararka qaarkood sheegayaan in laga iibiyey ganacsato.

Xildhibaan Faisa Maxamed Jeyte oo ka tirsan xildhibaanada golaha shacabka ayaa si kulul uga hadashay sida ay ciidamada Boolisku ula dhaqmayaan shacabka banaanbaxyada sameynaya.

“Taliska booliska waa in uu si dag dag ah u joojiyo ku xadgudubka xuquuda shacabka xaq uma laha shacabka in loo adeegsado hub iyagoo gudanaaya xaq dastuuri ah difaacayana sharafkooda iyo hantidooda” ayey ku tiri Xildhibaanada oo qoraal ku baahisay baraha bulshada.

Khasaare nafeed ayaa la soo sheegayaa iney ka dhasheen rabshadaha ka socda degmada dayniile, waxaana baraha bulshada lagu arkayaa muuqaalo muujinaya qaar ka mid ah dibed baxayaasha oo la cararaya dad ku soo dhaawacmay rasaasta ciidamada, waxaana weli kacsan xaalada iyadoo la maqlayo rasaas.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.