Ra’iisal-wasaaraha dalka Pakistan Shehbaz Sharif, ayaa sheegay martigelinta wada-xaajoodyada xaasaasiga ah ee Maraykanka iyo Iran aanay marxalad lagu faano, loona hanweynaado u ahayn oo qudha Pakistan, balse ay tahay marxalad hanweyni iyo faan u ah dunida islaamka oo dhan.
Ra’iisal-wasaaraha Pakistan oo khudbad caawa u jeediyey dadweynaha dalkiisa, waxa uu sidoo kale ammaan xoogan u jeediyey madaxda dalalka Maraykanka iyo Iran ee aqbalay wadahadalka uu dalkiisu martigelinayo.
Waa kaas la wada qiray awoodda Iiraan, xitaa Muslimna maaha ninka hadalkaan yirin, waa Professor Mareykanka ah, oo ku xeeldheer celmiga Siyaasadda iyo Xiriirka caalamiga ah, Prof. John Mearsheimer, wuxuu yiri: Iiraan waxay haysataa dhammaan fursadaha ciyaarta. Waxay taagan tahay meel aad u xooggan. Haddii ay xiraan marinka Hormuz, waxay si weyn u dhaawici karaan dhaqaalaha caalamka. Awoodda cadaadiska (leverage) ee ay haystaan waa mid aad u weyn.
Waxay awood u leeyihiin inay burburiyaan dalalka Khaliijka. Donald Trump ma awoodi karo inuu si sahlan dagaalka ugu sii fidiyo gobolka. Heer kasta oo uu gaaro, Iiraan waxay leedahay awood ay kaga adkaan karto xulafada Mareykanka. Malla qabtaa fikirkan adiga?

