Ra’iisul wasaaraha Canada, Mark Carney oo khudbada uu ka jeediyay shirka dhaqaalaha adduunka ee ka socda Davos, ay qabsatay warbaahinta iyo khudbad lagu tilmaamay dhab ka hadal.
Sidoo kale hadallada saameynta lahaa ee uu jeediyay ayaa waxaa ka mid ahaa inuu si cad u sheegay nidaamkii caalamiga ah ee dunidda inuu burburay , hadana tartanka quwadaha inuu ku jeedo inay xoog ku qabsaday wax kasta oo ay doonayaan. Ma sheegin magacyada cidda uu ka hadlayo, balse wuxuu si toos ah u beegsanayay nidaamkii iyo isku haleyntii Mareykanka inay meesha ka baxday.
Ra’iisul wasaaraha oo arimahaasi ka hadlaya ayaa yiri: “Waxaan ognahay in nidaamkii hore uusan soo laaban doonin. Ma habboona inaan ka murugoonno. Ku noolaanshaha xusuusta hore ma aha qorshe. Kuwa awoodda leh waxay haystaan awooddooda, annaguna waxaan haysannaa wax kale , balse aan joojino iska yeelyeelka.”
Wuxuu sheegay in waqtigii la ammaani lahaa Trump uu dhammaaday. Carney wuxuu iftiimiyay laba-wajiilaynta nidaamkii hore ee ‘xeerarka-ku-dhisnaa’,isagoo ku baaqay in dalalka awoodda dhexe ay midoobaan si ay u dhisaan xeerar caalami ah iyo hay’ado shaqeeya, isagoo intaa ku daray ; “Aragtideennu waa in dalalka awoodda dhexe ay wada shaqeeyaan, sababtoo ah haddii aynaan miiska wada-hadalka joogin, annaga ayaa noqonayna kuwa la boobayo.”

