Trump oo caawa la hadlay wargeyska The Atlantic, ayaa yiri ; “Runtii waan u baahan nahay gasiirada Greenland,ee Denmark maamusho shaki kuma jiro….Greenland waxaa ku hareeraysan maraakiib Ruush iyo Shiine ah, waxaan doonayna kuwaas inan ka hortagno oo aan arrimo difaac halkaa u tagno.”
Hadalkan kaddib, waxaa si deg deg leh usoo baxday Ra’iisul Wasaaraha Denmark, Mette Frederiksen; “Trump waa inuu joojiyaa hanjabaadaha uu ku wajahayo Greenland.Wax macno ah gabi ahaanba ma leh in laga hadlo in Mareykanku u baahan yahay inuu la wareego Greenland…Mareykanku xaq uma laha inuu ku darsado ama la wareego midkoodna saddexda dhul ee ka kooban boqortooyadda Denmark
.”