Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang Yu. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimo quseeya amniga, siyaasadda iyo ilaalinta madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa ka wada-hadlay sidii si wadajir ah looga hortagi lahaa faragelinta qaawan ee Isra’iil ku soo qaaday madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, iyo sidii loo difaaci lahaa danaha labada dal ee ku dhisan iskaashi amni iyo mid siyaasadeed.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Danjiraha la wadaagay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay difaaca danaha Qaranka, ilaalinta midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka, iyo dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada, si loo xaqiijiyo amniga iyo nabadda guud ee Soomaaliya.
Dhankiisa, Danjiraha Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha, Mudane Wang Yu, ayaa caddeeyay in dowladdiisu ay si buuxda u taageersan tahay midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay ixtiraamayso madax-bannaanida dalka. Waxa uu xusay in Shiinuhu mar walba garab taagan yahay shacabka iyo dowladda Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay Dowladda Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha garab istaagga iyo mowqifka cad ee ay ka qaadatay faragelintii Isra’iil, gaar ahaan taageerada ay Shiinuhu ka muujiyeen kulankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo lagu difaacay midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.




Have any thoughts?
Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

