Ra’iisul wasare Xamse: Shidaalka Somaliya Halis buu ku jira Hadii aan la Helin Ciidan Awood leh.”

by Heemaaln
1 minutes read

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka digay khataraha ka dhalan kara kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, gaar ahaan shidaalka, haddii aan si adag loo difaacin loona ilaalin.

Wuxuu sheegay in kheyraadka Soomaaliya uu yahay mid si weyn loogu tartamayo caalamka, islamarkaana dal aan lahayn awood ciidan oo sugan uu halis u geli karo in laga faa’iideysto ama xitaa laga qaato kheyraadkiisa.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu tilmaamay in isbeddel ballaaran uu ka socdo nidaamka awoodda caalamka, isagoo xusay in ay sii daciifayaan qaababkii hore ee dowladaha lagu maamuli jiray, halka kalsoonidii hay’adaha caalamiga ah ay iyaduna hoos u sii dhacayso.

Wuxuu si gaar ah hoosta uga xariiqay in ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah ay tahay arrin lama huraan ah, isagoo sheegay in haddii aan la qaadin tallaabooyin dhab ah, ay suurtagal tahay in dalka uu lumin karo kheyraad muhiim ah, gaar ahaan shidaalka oo uu ku tilmaamay bartilmaameed istiraatiiji ah.

“Ummad aan lahayn ciidan xooggan oo difaaca diinteeda, dhaqankeeda iyo dalkeeda ma leh karaamo iyo jiritaan, haddii ciidanku burburo, dalkuna wuu burburayaa,” ayuu yiri Xamsa Cabdi Barre.

Wuxuu intaas ku daray in awoodda iyo tayada ciidanka ay tahay cabbirka dhabta ah ee lagu qiimeeyo jiritaanka iyo madax-bannaanida ummad.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan feejignaan iyo taageero buuxda oo ku wajahan dhismaha ciidan qaran oo awood leh, si loo ilaaliyo jiritaanka dalka, midnimadiisa, iyo kheyraadkiisa dabiiciga ah.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.