Iran Oo Pakistan ku Wargalisay Inay Haysato 15,000 gantaal iyo 45,000 Drones- ah.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Iiraan ayaa Pakistan oo kamid ah dhexdhexaadiyeyaasha u sheegtay iney aamisan tahay in dagaalka ay ku guuleysan karto Isla markaana ay haysto 15,000 oo gantaal iyo 45,000 diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha lahayn ah, sida uu ku waramay Wall Street Journal.

Sidoo kale warbixinta WSJ waxaa lagu sheegay in Iiraan kahor inta ay Wadahadalada joojin ee lagu jirey wada xaajoodka ay muujisey mawqif adag oo aan tanaasul lahayn.

Wargayska WSJ ayaa xogtaas ka soo xigtay Pakistan oo fariimaha laysku dhaafsanayay.

Wakiilka Iiraan ee Qaramada Midoobay ayaa si cad u sheegay in Iiraan ay gabi ahaanba iska diiday xabad joojin kumeel gaadha. Wuxuu cadeeyay in Iiraan ay rabto.

– in si buuxda loo joojiyo dagaalkan.

– iyo iney hesho damaanad qaad buuxa oo lagu xaqiijinayo in markale aan lasoo wareerayn.