Monday, April 6, 2026

Real Madrid oo ka careysan garsoorka: 10 go’aan oo muran dhaliyay oo Barcelona hoggaanka u dhiibay!

by Heemaal
2 minutes read
A+A-
Reset

HS: Xaalladda horyaalka La Liga ayaa sii xumaanaysa ka dib markii mareegta “Defensa Central” oo u dhow kooxda Real Madrid ay baahisay warbixin xasaasi ah. Warbixintan ayaa lagu eedeeyay garsoorayaasha dalka Spain inay si cad u garab istaageen kooxda Barcelona xilli ciyaareedkan, taas oo keentay in kooxda reer Catalonia ay 7 dhibcood oo nadiif ah ku hoggaamiso horyaalka.

Mareegta ayaa ku doodaysa in farqiga dhanka ciyaarta ah ee u dhaxeeya labada kooxood uusan ahayn mid xaq u siinaya Barcelona hoggaankaas weyn, balse “garab istaagga joogtada ah ee garsoorka” uu yahay sababta dhabta ah. Waxay soo bandhigeen 10 dhacdo oo ay u arkaan in Barcelona lagu caawiyay:

  1. Rigoore loo dhigay Barcelona kulankii Rayo Vallecano (Lamine Yamal) xilli uu jiray cilad farsamo oo dhanka VAR ah.
  2. In laga noqday rigoore cad oo Lamine Yamal uu ku galay Vinícius Júnior kulankii El Clásico ee ka dhacay Santiago Bernabéu.
  3. In la iska indha-tiray kubad gacanta ku dhacday Balde gudaha sanduuqa rigoorada ee kulankii Sevilla.
  4. Rigoore muran dhaliyay oo loo dhigay Marcos Alonso kulankii Celta Vigo, xilli aysan jirin wax taabasho ah.
  5. Inaan kaarka cas loo taagin Pau Cubarsí kulankii Athletic Bilbao ka dib qalad aad u xumaa oo uu ku galay xiddiga Williams.
  6. Inaan rigoore laga dhigin Balde kulankii Elche ka dib markii uu qalad ku galay Álvaro Rodríguez.
  7. Rigoore loo dhigay Juan García kulankii Oviedo oo loo arkay mid aan jirin.
  8. In laga booday rigoore uu galay Fermín López kulankii Rayo Vallecano.
  9. Laba rigoore oo muran badan dhaliyay oo looga soo horjeeday Cancelo kulankii Sevilla muddo 18 daqiiqo gudahood ah.
  10. Inaan kaarka cas la siin Gerard Martín kulankii Atlético Madrid ee ka dhacay garoonka Metropolitano.

Warbixinta ayaa lagu soo gabagabeeyay in dhacdooyinkani ay si cad u sharaxayaan sababta Barcelona ay u fadhiso meesha ugu sarreysa horyaalka, iyagoo ku eedeeyay garsoorayaasha inay siiyeen kooxda reer Catalonia “fursad aysan u qalmin.”

Jawaabta Barcelona ee eedeymaha Real Madrid waa mid kulul, iyadoo kooxdu ay si cad u diiday eedeymo kasta oo ku saabsan in laga raalli geliyo dhanka garsoorka, una aragto ololahan mid lagu waxyeellaynayo sumcaddeeda.

Barcelona waxay walaac ka muujisay saameynta ay Real Madrid TV ku leedahay garsoorayaasha, iyadoo sheegtay inay todobaad kasta cadaadis saaraan saraakiisha ciyaarta, taas oo Laporta ku sifeeyay mid “ceeb ah”.

Madaxweynaha Barcelona, Joan Laporta, ayaa ku sifeeyay eedeymahan “ololaha weyn ee lagu kharribayo sumcadda kooxda,” isagoo sheegay in Barcelona ay weligeed tusaale u ahayd ciyaar wanaagga (fair play) mudadii 125-ka sano ahayd ee ay jirtay.

Laporta ayaa sheegay in Real Madrid ay tahay kooxda taariikh ahaan looga raalli gelin jiray garsoorka muddo 70 sano ah, isagoo tilmaamay in dadka garsoorka maamula ay ahaayeen ciyaartoy hore ama agaasimayaal ka tirsanaa Madrid.

Heemaal Sport.