Reform UK oo haday doorashada ku guulaysato sida Trump oo kale ula dhaqmi doonta Soomalida

Reform UK ayaa soo jeedisay in la joojiyo fiisooyinka lix dal oo u badan Muslimiin isla markaana la sameeyo ciidan masaafurin ballaaran, iyadoo ay weheliyaan tallaabooyin kale oo adag oo ka dhan ah socdaalka, haddii xisbigu ku guuleysto doorashada guud ee xigta.

Afhayeenka cusub ee arrimaha gudaha ee xisbiga, Zia Yusuf, ayaa shaaciyey faahfaahinta qorshaha “hakinta fiisooyinka” intii uu khudbad ka jeedinayey Dover subaxnimadii Isniinta.

Wuxuu sheegay in dowlad uu hoggaamiyo Reform UK ay si degdeg ah u joojin doonto bixinta fiisooyinka dalalka aan la shaqeyn dib u qaadista muwaadiniintooda laga masaafurinayo Britain.

Pakistan, Eritrea, Soomaaliya, Suuriya, Afgaanistaan iyo Suudaan ayaa lagu magacaabay dalal laga yaabo in ay saameyso waxa u ekaan kara xayiraad fiiso oo la mid ah tii uu hirgeliyey Donald Trump.

“Ma tixgelin doonno qaadista xayiraadahaan ilaa ay u hoggaansamaan oo ay dib u qaataan muwaadiniintooda si sharci-darro ah ugu sugan dalkeenna,” ayuu yiri Mr Yusuf.

Mr Yusuf ayaa ballanqaaday in dhammaan muhaajiriinta sharci-darrada ah ee ku sugan UK la masaafurin doono haddii Reform talada qabato, isaga oo ku dooday in Britain “la soo weeraray.”

Wuxuu shaaciyey qorshe lagu dhisayo hay’ad u eg ICE oo si gaar ah ugu shaqeysa masaafurinta dadka, sidoo kalena la baabi’in doono xaaladda deganaanshaha joogtada ah (indefinite leave to remain).

“Boqolaal kun oo rag ah ayaa weli si sharci-darro ah uga soo degaya xeebahayaga,” ayuu raaciyey.

“Qorshaheenna waa jawaabta keliya ee ku habboon xaalad degdeg ah oo amni qaran.

“Waxay si degdeg ah u joojin doontaa doomaha, iyadoo diraysa farriin cad oo ah in ku joogista dalkeenna si sharci-darro ah ay leedahay cawaaqib adag: xabsi degdeg ah iyo masaafurin.

“Masaafurintu waa ka-hortagga ugu dambeeya. Marka Nigel Farage noqdo Ra’iisul Wasaare, wuxuu adeegsan doonaa dhammaan awoodaha dowladda si loo hubiyo in muhaajiriinta sharci-darrada ah laga saaro dalkani.

“Waxaan meel marin doonnaa sharci masaafurin ballaaran oo ka dhan ah socdaalka sharci-darrada ah, sharci-dejiyeyaashii diyaariyeyna waxaa la siiyey tilmaamo cad oo ah in marka Nigel noqdo Ra’iisul Wasaare, uusan jiri doonin garsoore ka hor istaagi kara duullimaadyada masaafurinta.”

Sida ku cad qorshaha Reform UK, oggolaanshaha deganaanshaha joogtada ah waa la baabi’in doonaa, waxaana lagu beddeli doonaa fiiso shaqo oo shan sano ah oo la cusboonaysiin karo iyo fiiso gaar ah oo lammaanaha ah.

Heerarka mushaharka ee dadka fiisaha ku imanaya Britain “waa la kordhin doonaa,” waxaana jiri doona “imtixaan dhab ah oo lagu cabbiro aqoonta luqadda Ingiriisiga,” ayuu yiri Mr Yusuf.

Kaniisadaha waxaa la siin doonaa xaalad dhisme la ilaaliyo, taasoo mamnuucaysa in loo beddelo masaajid ama goobo kale oo cibaado.

Waxaa sidoo kale si weyn loo ballaarin doonaa awoodda baaritaanka iyo joojinta (stop and search), barnaamijka dowladda ee ka hortagga argagixisada ee Prevent-na dib ayaa loo qeexi doonaa si uu diiradda u saaro xagjirnimada Islaamiga ah.

Dowladda Shaqaalaha (Labour) ayaa iyaduna horay ugu hanjabtay xayiraado fiiso oo la mid ah si ay ugu qasbaan dalal inay dib u qaataan muwaadiniintooda la masaafurinayo.

Shabana Mahmood ayaa sanadkii hore ku eedeysay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Angola iyo Namibia inay ka gaabiyeen la shaqeynta dib u celinta dambiilayaasha ajaanibta ah iyo kuwa aan xaqa u lahayn joogitaanka UK.

Waxay ku hanjabtay in dalalka Afrika laga joojin doono fiisooyinka dhammaadka Diseembar 2025, isla markaana la joojiyey mudnaantii diblomaasiyiinta Congo iyo habkii degdegga ahaa ee fiisaha.

Saddexdaas dal hadda waxay oggolaadeen inay dib u qaataan muwaadiniintooda oo aysan carqaladeyn dadaallada masaafurinta.

Sanadkii hore Mr Yusuf, oo isku tilmaama “Muslim British ah oo waddani ah,” ayaa si kooban uga degay xilka guddoomiyaha Reform UK, isagoo sheegay in ka shaqeynta sidii xisbiga loo dooran lahaa aysan mar dambe “waqti fiican u ahayn.”

Arrintan waxay timid kadib markii uu dhaliilay xildhibaanadda Reform, Sarah Pochin, markii ay ugu baaqday Ra’iisul Wasaare Keir Starmer in la mamnuuco xirashada burqa.

Qorshayaasha socdaalka ee Reform ayaa si kulul u cambaareeyey hay’adaha u dooda xuquuqda muhaajiriinta.

Dora-Olivia Vicol, oo ah madaxa fulinta ee Work Rights Centre, ayaa tiri:

“Waxaan argagax ku daawannay sida ICE ay u weerartay bulshooyinka muhaajiriinta iyo xitaa muwaadiniinta Maraykanka – ma tan ayay Reform rabtaa inay ku saleeyaan siyaasaddooda socdaalka?

“Tani waa aragti naxariis-darro ah oo qoysaska iyo bulshooyinka UK lagu kala goynayo, lacag lagu khasaarinayo, dowladduna ka soo horjeesaneyso dadkeeda.

“Joojinta xaaladda deganaanshaha dadka halkan ku noolaa oo nolol dhan ka dhistay waxay noqon lahayd mid qalbi-adayg ah, isla markaana dhaawici lahayd dhaqaalaha iyo adeegyada dadweynaha. Dadka haysta ILR waa lammaaneheenna, deriskeenna, saaxiibkeenna, macallimiin, shaqaale NHS ah, qaar badanna waa bixiyeyaasha canshuurta sare.

“Ma jirto sabab dhab ah oo loo joojinayo xaaladdooda marka laga reebo dano gaar ah oo Reform ka leedahay kala qaybin iyo qalalaase.

“Kuwani waa soo jeedinno loogu talagalay oo keliya in warbaahinta lagu soo jiito oo caro lagu kiciyo.

“Waa kuwo naxariis-darro ah, dhaqaale ahaan is burinaya, mana bixiyaan xalalka dhibaatooyinka dhabta ah ee dadka Britain wajahaya: saboolnimo iyo shaqo tacaddi leh.”

Related posts

USA oo u ogolaatay Israa’iil iib hub degdeg ah, iyo khaliijkii oo cidlo ku soo dhacay

Sacuudiga iyo Pakistan oo ka wada hadlay isku diyaarinta, dagaala iyo difaac wada jir ah

Xisbulah oo eryatay ciidamo Yuhuuda oo isku dayey hawlgal qarsoodi ah oo ay ka fulinayeen Lubnaan