Ruushka ayaa ku dhawaaqay in dhammaan heshiisyada mustaqbalka ee shidaalka iyo gaaska uu la galayo Yurub, lagu kala iibsan doono qiimaha lacagta Shiinaha ee loo yaqaanno “yuan”.
Talaabadani ma ahan oo keliya isbeddel siyaasadeed, balse waa isbeddel juqraafi-siyaasadeed (geopolitical earthquake) oo saameyn doona qaabka hanaanka geeddi socodka awoodda dunida.
Haddaba maxay talaabadani ka dhigan yahay?
Awoodda doolarka Mareykanka ayaa laga yaabaa inay daciifto, marka la joogo suuqyada gacansiga tamarta, oo hadda lacagaha lagu Kala iibsado ay tahay lacagta doolarka.
Xidhiidhka dhaqaale ee u dhexeeya Ruushka iyo Shiinaha ayey macquul tahay inuu sii xoogeysan karo, taas oo gacanta u galin doonta fursad ay kula wareegaan jaan-goynta go’aannada qiimaha suuqa caalamka.
Sidoo kale Waxaa dhici kara isbeddel ku yimaada awood-qaybsiga dhaqaale ee caalamka.
Ruushka Oo ku dhawaaqay in Shidaalka iyo Gaaska la geeyo Yurub, lagu Iibsan doono Lacagta Shiinaha“yuan”.
6