Ruushka ayaa maanta beeniyay inuu joojinayo macluumaadka sirdoonka ee uu la wadaago Iiraan, haddii Mareykanka uu joojiyo taageerrada uu siiyo Ukraine , ka dib markii warbixin arrintaa lagu sheegay uu baahiyay wargeyska Mareykanka ka soo baxa ee Politico.
Aqalka madaxtooyadda Ruushka ee Kremlin-ka, ayaa war-saxaafadeed ka soo baxay waxaa lagu yiri; “Arrintan waa been.”
Wali nooca taageerro ee ay Iiraan ka helayso Ruushka iyo Shiinaha , waa mid la isku khilaafsanyahay, balse adkaysiga Iiraan ayaa noqonaya imtixaanka ugu adag ay ka wajahayaan aragtida dunidda intee kale oo eeganaya sida Shiinaha iyo Ruushka ay u taageerri karaan xulafadooda xaaladaha adag, xilli Ruushka oo aragtidan ka dagaallamaya uu marar badan ku celceliyay xaalad kasta inay garab taaganyihiin Iiraan.